arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Miss Africa oo Marqura Ay u Wada Kulmeen Farxadda Cimriga iyo Murugada Waayaha (Muuqaal)

Nasiib darro ayaa qabsatay gabadha dharka xayaysiisa ee Reer Congo, xilli loo caleemo saarayay boqoradda Quruxda Afrika ee sanadkan 2018, ayaa waxaa la kulantay dhibaatadii ugu adkeyd nolosheeda, waa sida ay sheegtay jariidada Mirror ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Gabadhan oo la yiraahdo Dorcas Kasinde, ayaa ku guuleystay tartanka boqoradda Quruxda Afrika oo sanadkan ka dhacay dalka Nigeria, waxeyna noqotay boqoradda quruxda Afrika ee sanadkan dhammaadka ah ee 2018.

Gabadhan reer Congo ee 24 jir ah ayaa waxey heshay lacag qiimaheedu yahay 35-kun oo dolar oo lagu daray gaari cusub, waana abaalmarinta tartanka lagu bixiyo.

laakiin, intii ay xafladdu socotay ayaa boqoradda Quruxda afrika waxaa soo food saaray dhacdo xanuun badan oo nolosheeda khatar gelisay, kadib markii uu dab ka shidmay madaxeeda.

Muuqaalka laga duubay ayaa muujinaya in bilowga hore Kasinde ay farxad la ooyayso, inta aanuu bululeer agteeda ka jidnaa aanuu ku soo duulin timaheeda, arrintaas oo keentay inuu dab ka ka holco madaxeexa, si degdeg ahna uu ugu faafay.

Marka hore waxba ma aaney dareemin, laakiin qof ka mid ah daadihiyeyaasha xafladda ayaa ku bararujisay gubashada timaheeda. dhacdadan ayaa welwel ku beertay dadkii xafladda ka soo qeybgalay.

Miss Africa waxey soo duubtay muuqaal ay kaga hadlayso iney caafimaad qabto, si taageeryaasheeda ay ugu niyad qaboojiso, waxey tiri: “Waan wanaagsanahay, xaaladda tintayduna sidoo kale… aadbaad u mahadsan tihiin.”

Waxey hadalkeeda sii raacisay: “Aadbaan u faraxsanahay.. waxaan u mahadcelinayaa dadkii dartey xafladda u yimid iyo cid kasta oo igu taageertay dhanka Baraha-bulshada.”

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close