WararkaWaxbarashada

Dhaqamada Ugu Yaabka Badan ee Dabbaaldagyada Sanadka Cusub (Muuqaal)

Caadooyinka sanadka cusub ee dalalka adduunka aad ayaa loogu kala duwan ayahay, dadka qaar ayaa habeenka sanadka cusub waxey cunaan 12 xabbo oo canab ah oo ay doonayaan iney ku soo jiitaan nasiibka sanadka, sidaa darteed; maanta waxaan idiin soo gudbineynaa caadooyinka ugu yaabka badan ee dadka dunida ay leeyihiin bilowga sanadka cusub.

Kolombia: Haddii aad dooneyso inaad soo jiidato nasiibka wanaagsan ee sanadkaaga cusub.. waa inaad soo xurato habeenka sanadka cusub kastuumo Jaallo ah.

Xilli ay Kombiyaanku labisanayaan kastuumooyinka jaallo ah, Taliyaaniga iyo Spain waxey ku labistaan kansuumo guduud ah, oo romantig loola jeedo.

Spain: Marka ay saacaddu gaarto 12:00 habeennimo waxaa qof weliba uu cunaa 12 xabo oo canab ah si uu nasiib wanaagsan u helo sanadka cusub, hal xabbo oo kasta oo canabkaa ka mid ah waxa uu u taagan yahay bilaha sanadka.

Switzerland: Maalinta sanadka cusub waxaa loogu dabbaaldagaa tartan 10 doofaar oo yaryar la tartansiiyo, midka guuleysta maalintaa lama gowraco.

Jarmalka: Qaando yar ayaa shumac dushii lagu milaa, kadib biyo ayaa la dhex gelinayaa, waxa laga sameynayaa calaamado nasiibka iyo hantida lagu soo jiito.

Ingiriiska: Dabbaaladagga Ingiriisku ee sanadka cusub, 1000 qof ayaa isku raaca habeenkaa oo ku dabaasha biyo qabow.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close