arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Haweenay Ninkeeda Ku Iibisay 18 Euro oo Qura.. Sheegtayna Sabab Macquul ah(Muuqaal)

Haweenay jarmal ah ayaa dood badan dhalisay, kadib markii ay ninkeeda soo dhigtay suuqa Internet-ka, waxey sheegtay iney ku iibineyso 18 Euro oo qura.

Jariidada The Sun ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa sheegtay in haweenaydani ay ninkeeda ka beecisay website-ka badeecadaha lagu kala iibsado ee eBay, waxey qiimihiisa ka dhigtay 18-Euro oo qura, waxeyna sheegtay iney ka daashay sida khaldan ee uu u fakaro, waa sida ay sheegtay.

Haweenaydan oo 40 jir ah, kana soo jeedda magaalada Hamburg, ayaa sheegtay iney ninkan is qabeen muddo 7-sano ah, laakiin ay hadda ogaatay inaaney isla jaanqaadi karin.

Haweenaydan oo magaceeda ku sheegtay Dorte L, ayaa soo qortay:”Dumarka qaaliga ahow, cidda arrinkan daneynaysa, labada maalmood ee ugu horreysa ciidda sanadka, waxaan si fudud u ogaaday inaan isku qalmin, waxaan doonayaa inaan ka tago ninkeyga, waxaanan ku faraxsan nahay inaan lacagta ka gorgortanno.”

Waxey hadalkeeda sii raaciyay: “Wax kala bedelasho ah ma jirto, fadlan wixii faahfaahin ah G-mailka aan ka soo wada xiriirno.”

Waxey sheegtay in number 18, ay u xulatay inuu yahay namberkeeda nasiibka ay ku leedahay.

Waxey caddeysay inaan ninkeedu ka warhayn in suuqa uu yaallo, illaa marka ay warkiisa soo bandhigaysay jariidadan Ingiriiska ka soo baxda ee The Sun.

Haweenaydan oo sidoo kale la hadashay jariidada “Hamburger Abendblatt” ee gudaha jarmalka ka soo baxda ayaa sheegay in bandhiggeeda ay dumar badani ka heleen, inta badanna ay si qosol iyo kaftan leh uga soo jaawaabeen.

Waxeyse caddeysay inaaney dooneyn iney sawaxan ka dhaliso saxaafadda, waxey dooneysanna uu ahaa madadaalo oo qura.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close