arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Muuqaal: Sabab Lama Filaan ah oo Ay u Geeriyoodaan “Garoobada” (Cilmi-baaris)

Khubaro ka tirsan Jaamacadda Rice ee dalka Mareykanka ayaa daahrogay sabab suurtaggal ah oo geeri u keenta dumarka iyo ragga garoobada ah.

Khubaradan ayaa waxey tilmaameen in welwelku ku bato dad waaya qof ay jeclaayeen, arrintaas oo isbedello aan wanaagsaneyn u yeelata jirka, isbedelladaas oo dhankooda keena cusurro khatar ah waa sida uu sheegay website-ka “sciencealert”.

Daraasaddan ayaa waxaa ka qeybgalay 100 qof oo mutadawac ah oo waayay dad ay jeclaayeen oo qalbigooda aad ugu dhawaa, dadkan mutadawiciinta ah ayaa lagu xushay, heerka welwelka kadib markii ay waayeen lamaane ay jeclaayeen.

Waxaa la baaray dhiigga isla markaana la eegay xaaladooda nafsi ahaaneed iyo murugada ay dareemayaan inta ay le’eg tahay.

Waxaa daraasaddan lagu ogaaday in dadka waaya qof ay aad u jeclaayeen ay halis ugu jiraan iney xilli hore oo noloshooda ka mid ah ay geeriyoodaan, waxaa kor u kaca heerka borotinka oo sababa caabuqyo khatar ah.

Khubarada ayaa waxey isbarbardhig ku sameeyeen baaritaankooda daraasado horey loo sameeyay, waxaana ay soo saareen in dadka garoobada ah ay halis ugu jiraan cudurada wadanaha iyo xididada dhiigga, oo sababa geeri xilli hore ah.

Dadka Takhasusku u leh waxey rajeynayaa iyadoo la bidhaan sanayo xogta ay soo gudbisay cilmi-baaristan in daryeel goonni ah loo fidiyo si gaar ahna loola socdo xaaladooda dadka garoobada ah ee waaya qofkii ay dadka ugu jeclaayeen.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close