WararkaWaxbarashada

Dhacdooyinkii Adduunka ee Maanta Oo Kale “2 January”

Maanta Oo Taariikhda ku beegantahay 2 January waa maalinta 2aad ee sanadka, Waxaana ku jirnaa toddobaadkii 1aad ee sanaddan waana Arbacadii 1aad ee isla sanadkaan, waxaana dhamaadka sanadkaan 2019 naga xiga 363 maalmood.

Maanta Oo  Kale 2 January 1788 Gobolka Georgia ee dalka Mareykanka ayaa noqday gobolkii 2aad ee ansixiya dastuurka dalkaasi.

Maanta Oo Kale 2 January 1942 Ciidamadii Japan ayaa qabsaday Magaalada Manila ee Philippines.

Maanta Oo Kale 2 January 1945 Ciidamadii Xulafada ee kasoo horjeeday Xoogaggii Jarmalka ayaa duqeyn culus ka geystay Magaalada Nuremberg ee dalkaasi, intii uu socday dagaalkii 2aad ee Adduunka.

Maanta Oo Kale 2 January 1955 Madaxweynihii Panama José Antonio Remón Cantera ayaa la dilay

Maanta Oo Kale 2 January 1960 John F. Kennedy ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamayo kursiga Madaxtinimada dalkaasi Mareykanka .

Maanta Oo Kale 2 January 1965 Ayub Khan ayaa loo doortay madaxweynaha dalka Pakistan.

Maanta Oo Kale 2 January 1973 Feeryahanki reer Japan ee Masao Ohba ayaa ku guuleysatay Tartanka feerka ee WBA flyweight, waxa uuna kaga guuleystay feeryahanka reer Thailand ee  Chartchai Chionoi, kadib 12 wareeg oo ay ku loolameen. Masao Ohba ayaana geeriyooday 3 todobaad kadib guushiisa.

Maanta Oo Kale 2 January 1974 Madaxweynihii dalka Mareykanka Richard Nixon ayaa saxiixay sharci xadeynaya xawaaraha gawaarida, taas oo lagu jaangooyay xawaare dhan 55 meter Sacaadiiba.

Maanta Oo Kale 2 January 1975 Hogaamiyihii Ururka Kacdoonka Bangladesh ee Siraj Sikder ayaa la dilay, isaga oo xabsi ku jira.

Maanta Oo Kale 2 January 1978 madaxweynihii dalka Pakistan  ee Muhammad Zia-ul-Haq ayaa amray in la rasaaseeyo shaqaale si nabadgeliyo ah dibadbaxyo ugu sameynayay magaalada Multan ee dalkaasi , waxaana halkaasi ku dhintay in ka badan 200 oo qof.

Maanta Oo Kale 2 January 1990 suuqa saamiyada Dow Jones ayaa sare u kac rikoor sameeyay.

Maanta Oo Kale 2 January 1995 Madaxweynihii dowladii kacaanka ee Soomaaliya ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre (AUN) ayaa ku geeriyoooday Magaalada Lagos ee dalka Nigeria.

Maanta Oo Kale 2 January 2006 Qarax ka dhex dhacay god laga qodo dhuxusha ee ku yaal tuulada Sago ee Magaalada West Virginia ee dalka Mareykanka  ayaa waxaa ku geeriyooday 12 shaqaale.

Maanta Oo Kale 2 January 2015 Majalada dhaqaalaha ee The ayaa u aqoonsatay dhaqaalayahanka u dhashay Israel heystana dhalashada Mareykanka ee  Daniel Kahneman inuu yahay shakhsiga 7aad ee ugu saameynta badan dhaqaalayahanada Caalamka.

Maanta Oo Kale 2 January 2015 Qarax lala beegsaday Gaari ay la socdeen Macalimiin wax ka dhiga iskuul ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku geeriyooday 1 ruux, halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.

Maanta Oo Kale 2 January 2016 Dowladda Sacuudiga ayaa dil toogasho ah ku fulisay 47 ruux oo lagu eedeeyay argagixisanimo, waxaana ku jiray wadaad shiico ah oo caan ah oo lagu magacaabo jiray Sheikh Nimr al-Nimr.

Maanta Oo Kale 2 January 2017 Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ansixiyay Miisaaniyad-sannadeedka maamulkaasi oo dhan 362 Milyan oo Dollar.

Maanta Oo Kale 2 January 2017  Gudiga Doorashada gudoonka Golaha shacabka ayaa soo saaray jadwalka doorashada gudoonka golaha shacabka ee Soomaaliya.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close