WararkaWaxbarashada

Haweenay Ingiriis ah oo Dhawaan Lasoo Gaarsiiyay Farriin Uu Usoo Diray Ninkii Ay u Doonneyd Xilligii uu Socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka (Muuqaal)

Phyllis Ponting oo 99 jir ah oo ka mid ah dadka deggan Ingiriiska ayaa heshay warqad uu u soo qoray ninkii ay u doonaneyd oo la waayay 1941, waa intii lagu guda jiray dagaalkii labaad ee adduunka.

Bill Walker, ayaa guur u soo bandhigtay 80-sano ka hor, xilligaas, Bill waxa uu ka shaqeynayay dalka India, waxeyna u dirtay farriin jawaab ah oo ay ugu sheegayso iney guurkiisa ogoshahay.

Laakiin, wax jawaab ah oo dambe kama aaney helin, waxey aamintay inuu ra’yigiisa bedelay oo guurka uu iskaga baxay.

Laakiin culumada dagal-baarka ku takhasusay ayaa badda salkeeda ka soo saaray warqad uu Bill qoray, xilligii uu warqadda soo diray waxey ku beegneyd 77-sano ka hor, waa sida ay sheegtay jariidada The Independent ee ka soo baxda gudaha dalka Ingiriiska .

Warqaddan ayaa saarneyd doon ay dejiyeen gujisyada waaweyn ee Jarmalka meel ku dhow xeebaha Ireland.

Warqaddan ayaa waxaa ku qornaa: “Farxad ayaan la ilmeeyay, markii aan ogaaday inaad guurka diyaar u tahay, waxaan ka xumay inaadan xilligaa i garab joogin, fiicnaan lahaydaa inaad farxaddayda arkayso.”

Phyllis, waxba kama oga halka uu ku dambeeyay ninkii ay u doonaneyd ee ay guurka isla meel dhigeen, waxey guursatay nin kale oo ay u dhashay 4 caruur ah, hadda waxey haysataa caruur badan oo ay ayeeyo u tahay, hadda ninkeedu wuu geeriyooda, laakiin mar kale ayay guursatay.

Markii warqaddan lagu soo simay ee la soo gaarsiiyay ayay tiri: “Waxaan aaminsanahay, haddii uu dagaalkaaa ka badbaadi lahaa, waxaa hubaal ah inaan is guursan lahayn, aad ayuu ii jeclaa.”, ayey tiri.

Waxaa xusid mudan, in khubarada dagal-baarka ay heleen 700 oo farriimood oo shaqsi ah oo aan gaarin dadkii ay ku socotay, hadda farriimahaasi waxey yaallaan matxafka “Cododka gudaha ka soo yeeraya”, kaas oo barbaryaalla matxafka London Post.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close