arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Muuqaal: Waddankee Ugu Horreeyay Dabbaaldagga Sanadka Cusub ee 2019?

Ma ogtahay in labada jasiiradood ee Kiribati iyo Samoa ay yihiin goobta ugu horreysay ee looga dabbaaldagay sanadka cusub 2019?

Sababtu waa goobta ay ku taallo marka loo eego diilinta taariikhda dowladaha (International Date Line).

Xarriiqintan maxaad ka taqaan?

Waa xarriiqin humaag ah oo la aasaasay sanadkii 1884, si uu u kala baro labo taariikhda isku xigta dhanka waqtiga.

Mar kasta oo aad u safarto galbeedka diillintan, waqtiga waxaad horumaraysaa maalin dhammeystiran, taa cagsigeeduna waa sax oo mar kasta oo aad dhanka bariga ka aaddo xariiqintan waxaad dib u dhacaysaa maalin.

Sidaa darteed, labadan jasiiradood ayaa ah goobaha ugu dhow dhanka galbeed ee diilinta International Date Line.

Jasiiradda Samoa waxey ku caan tahay kaymaheeda tirada badan iyo  togogeeda quruxda badan.

Haddii aad jeceshahay ugaarsiga iyo inaad shimbiraha daawato, jasiiradda Kiribati ayaa ah goobta ugu habboon.

 

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close