WararkaWaxbarashada

Muuqaalka Dayaxa oo Ku Soo Dhacaya Dhulka oo Dood Badan Ka Dhaliyay Baraha Bulshada

Website-ka Sciencealert ee wax ka qora cilmi-baarisyada ugu dambeeyay iyo dhacdooyinka aadduunka, ayaa sheegay in muuqaalka dayaxa oo dhulka u soo dhacaya ee dadka badani daawaday uu yahay muuqaal xaqiiqo ah, laakiin isbedello lagu sameeyay oo xirfadlayaal ay qaabeeyeen.

Muuqaalkan oo internet-ka si xoog ah looga daawaday ayaa dad badani u qaateen inuu yahay caddeyn muujineysa in adduunyo gaddoonkii uu soo dhaw yahay.

Website-ka ayaa caddeeyay in sawir yahanno iyo dadka xirfadlayaal ah ay wax ka bedeleen muuqaalka asalka, dayaxii ayay u muujiyeen sidii uu dhulka ku soo dhacayo oo kale.

Dadka muuqaalka aad ku arkaysaa waxey fadhiyaan meel 16 kiiloomirti u jirta Teleskob hawada sare lagula socdo, dadkaasi dayaxa ma eegayaane waxey daawanaya qorraxda oo soo baxeysa, xaqiiqada dhabta ah dayaxa sida aan u aragnno ayuunbay u arkaan.

Dayaxa muuqaalka ka muuqada ayaa loo yaqaanna Dayaxa-caanood, waana habeenka 14aad ee bisha May, muuqaalkana ayaa waxaa duubay Daniyal Lobezi bishii May.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close