WararkaWaxbarashada

4-tii Dhacdo ee Ugu Yaabka Badnaa Adduunka 2018

Dadka adduunyada intii lagu gudo jiray 2018, waxaa soo maray dhacdooyin farabadan oo qaarkood ay muhiim yihiin, halka kuwo kalena ay lahaayeen layaab badan, xilliyada qaarna dhinacyo kala duwan ay taabanayeen.

Dhacdooyinka qaar ayaa waxey dhaliyeen sawaxan ballaran aadna ugu faafay barta Internet-ka, sababtuna waa la yaabkooda iyo muhiimadda ay lahaayeen halka qaarkood ay ahaayeen kuwo aad looga yaqyaqsoodo.

Website-ka The Verge ayaa faafiyay dhacdooyinkii ugu yaabka badnaa 2018, waxaa ka mid ah:

1- Dalladda Qorraxda laga hoos galo oo laabta ka gashay haweenay meel xeeb ah joogtay.

Haweenay reer Mareykan ah ayaa waxaa qabsatay dhacdo layaab badan xeebaha gobolka Maryland, dabeyl ayaa hawada u tuurtay dalladda, markii ay dhulka ku soo laabatayna haweenay ayay laabta ka gashay.

Kooxda gurmadka waxey ku khasbaadeen iney dalladda ay kala jaraan, si ay u sahlaanto in laabta haweenaydan looga saaro, kadibna waxaa haweenaydii loola cararay isbitaal goobta ka dhawaa oo lagu daaweeyay.

2- Dibiga aadka U Weyn

Dibiga Nikaris, waxa uu ku nool yahay beer ku taalla dalka Austuralia, xajmigiisa weyn ayaa u diiday in la gowraco, shaqaalihii qalliinku wey diideen, waxeyna sheegeen inuu ka tan weyn ayahay.

3- Nin Hindhiso isku celiyay oo dhuuntu ka dillaacday

Nin reer Ingiriiska ah oo 34 jir ah ayaa hindhiso isku celiyay, isla markiiba qoortiisa ayuu dhawaaq ka maqlay, waqti yar kadib xanuun badan ayuu dhuuntiisa iyo qoorta ka dareemayay, qoortii ayaa dhibaato ka soo gaartay, codkiisiina wuu is bedelay, arrintaas oo keentay inuu isbitaal aado, muddo laba isbuuc ah ayuu xaalad degdeg ah ku jiray.

4- Humaagga Maqalka

Cod yar oo duuban ayaa si aad ah ugu faafay barta internetka, dadka isticmaalaa waxey ku wareereen dhawaaqa codka qofka hadlayaa ma waxa uu leeyahay Yani ama Loriil.

Sida uu sheegay Professor-ka ka tirsan jaamacadda Maastricht oo la yiraahdo Laris Riki ayaa website-ka The Verge u sheeegay in arrintu aaney khusayn humaag sida dhabta ah, ee sirtu halka ay ku jirtaa uu yahay sida dhagta qofka maqlayaa ay u aragto, iyo waxa uu qofku doonayo inuu maqlo.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close