WararkaWaxbarashada

Arday 70 jir Ah oo Goordhow Un Waxbarashada Bilaabay oo Doonaya Inuu Tusaale Fiican U noqdo Dhalinyarada iyo Odayaasha Ficiisa Ah (Muuqaal)

Subixii ayaan soo kacaa, waxaan karsadaa cuntadayda oo aan cunaa, iskuulka ayaan aadaa.

Magacaygu waa Durge Kami, hadda waxaan dhigtaa galaaska 10aad.

Waxaan ahay 70 jir, inaan iskuulka aado waxey igu qaadataa saacad iyo 20-daqiiqo oo lug ah, iskuulka waxaa la galaa 10 subaxnimo, waxaaney xiisaddu dhammaaataa 4-ta galabnimo.

Madooyinka aan ugu jeclahay waa arrimaha bulshada, maadaada aad ayaan u jeclahay.

In kastoo ay macallimiintu iga da’yar yihiin, waan ixtiraamaa sida arday kasta oo fasalka dhigta u ixtiraamo.

Xilliga qadada, waxaan jeclahay inaan ciyaaro kubadda cagta iyo Volleyball-ka.

Farxad ayaan dareemaa marka aan sports-ka ciyaarayo.

Labo saacadood ayaan gurigayga ku gaaraa anigoo u sii maraya taagag iyo waddo qalqalooc badan.

Labo saacadood ayay igu qaadataa inaan waajibka iskuulka uga shaqeeyo, kadib waan daalaa, maadama aan da’weynahay, waanana seexdaa.

Maalinta labaad waan soo kacaa subixii howshaydii maalin laha ahayd ayaan mar labaad qabsadaa.

Waxaan doonayaa inaan waxbarashada meel sare ka gaaro, yaraantaydii iskuul ma dhigan.

iskuul gurigeenna u dhawaa ma jirin.

Maadama xikmaddu ay timaaddo marka la weynaado, waxaan doonayaa inaan faafiyo iftiinka cilmiga dadka oo dhanna aan gaarsiiyo.

Waxaan aaminsanahay iney muhiim tahay inaan tusaale u noqdo awoodda iyo yididiilada,

Tusaalena wanaagsanna u noqda dadka dunida, dabaqadda hoose ee bulshada, dhalinyarada, iyo dadka waaweyn, waxaan u baahan nahay waxbarasho.

Waxaan doonayaa inaad dadka ku dhiirrigeliyo waxbarashada, waana sababta aan wax u barto.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close