WararkaWaxbarashada

Dhacdooyinkii Adduunka ee Maanta oo Kale “3 January”

Maanta oo taariikhdu ay ku asteysantahay 3 January waa maalinta 3aad ee sanadka 2019, waana khamiista 1aad iyo waliba toddobaadka ugu horeeya ee sanadkan, waxaana dhamaadka sanadkaan naga xiga 362 maalmood.

Maanta oo kale 3 January 1749 Cadadkii ugu horeeyay ee wargeyska ugu qadiimsan dalka Denmark ee Berlingske ayaa la daabacay.

Maanta oo kale 3 January 1848 madaxeynihii ugu horeeyay ee dalka Liberia ee Joseph Jenkins Roberts ayaa loo dhaariyay xilka madaxtinimo ee dalkaasi

Maanta oo kale 3 January 1870 Waxaa bilowday dhismaha Buunadad weyn ee Brooklyn Bridge ee ku  taal magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Maanta oo kale 3 January 1911 Dhul gariir xooggan oo cabirkiisu yahay 7.7 ayaa burburiyay magaalada Almaty ee dhacda galbeedka dalka Ruushka.

Maanta oo kale 3 January 1925 Ra’iisul wasaarihii dalka Talyaaniga ee Benito Mussolini ayaa ku dhawaaqay in dalkaasi uu ku dhaqayo nidaamka Kaligii talis ka.

Maanta oo kale 3 January 1933 Haweeneyda lagu magacaabo Minnie D. Craig ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay ee Afhayeen u noqota Xildhibaanada laga soo doorto gobolka North Dakota ee dalka Mareykanka, isla markaana noqotay qofkii ugu horeeyay ee dumar ah ee qabata jagada noocaas ah guud ahaan dalka Mareykanka.

Maanta oo kale 3 January 1947 Kalfadhigii Golaha Congress ka dalka Mareykanka ayaa marki ugu horeysay si toos ah looga sii daayay Telefishinada.

Maanta oo kale 3 January 1949 Bankiga dhexe ee dalka Philippines ayaa la aasaasay.

Maanta oo kale 3 January 1956 Dab qabsaday taalada caanka ah ee Eiffel Tower ee ku taal bartamaha magaalada Paris ayaa dhibaato u geestay qeybta sare ee taallada.

Maanta oo kale 3 January 1957 Shirkadda Hamilton Watch Company ayaa soo saaraty saacadii ugu horeysay ee Electronic ah.

Maanta oo kale 3 January 1959 Gobolka Alaska ayaa noqday State kii 49aad ee dalka Mareykanka.

Maanta oo kale 3 January 1993 Madaxweynayaasha dalka Mareykanka iyo midowga Soviet ee George H. W. Bush iyo Boris Yeltsin ayaa kala saxiixday heshiishkii 2aad ee lagu xadeynayo isticmaalka hubka ridada dheer.

Maanta oo kale 3 January 1994 in ka badan 3 malyan oo qof oo kasoo jeeda dadka Madow ee Bantustan ee dalka South Afrika ayaa helay dhalashada dalkaasi.

Maanta oo kale 3 January 2002 Ciidamada Israel ayaa qabsaday Markab weyn oo laga leedahay Falastiin  oo lagu magacaabo Karine A, kaas oo marayay Badda Cas, Waxeyna ka heleen 50 Tan oo hub ah.

Maanta oo kale 3 January 2013 Xoghayaha Arimaha Dibedda Britain William Hague iyo Wasiirkii Arimaha Dibedda ee Soomaaliya Fowzia Yuusuf Xaaji Aadan ayaa kulan ay ku yeesheen London uga hadlay furidda Safaaradda Soomaaliya ee Britain iyo kordhinta Kaalmada Britain ay siiso Soomaaliya.

Maanta oo kale 3 January 2015 Kooxda Boko Haram ayaa burburisay gabi ahaan magaalada Baga ee dhacada Waqooyi Bari dalka Nigeria, Waxeyna Geesteen Xasuuq ba’an, iyagoo dilay in ka badan 2000 oo ruux.

Maanta oo kale 3 January 2015 Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in Ebola laga helay dalka.

Maanta oo kale 3 January 2016 Dalka Iran ayaa xiriirki diblumaasiyadeed u jaray Sacuudiga, kadib dilkii wadaadka Shiicada ee Sheikh Nimr Al Nimr.

Maanta oo kale 3 January 2016 Cabduqaadir Shariif Shiikhunaa Maye ayaa loo doortay Gudoomiyaha baarlamaana maamulka Koonfur Galbeed.

Maanta oo kale 3 January 2016 Guddiga Doorashooyinka maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay waqtiga ay bilaabaneyso diiwaan gelinta Cod bixiyaasha.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close