WararkaWaxbarashada

Qisada Colin O’brady .. Safar aan Suurtagal Ahayn oo Taariikhi ah Ayuu U Galay Qaaradda Cirifta Koonfureed ee Adduunka ee “Anatolia” (Muuqaal)

Qaaradda cirifka Koonfureed waxaa loo aqoon san yahay iney ka mid tahay goobaha ugu khatarta badan adduunka, waa goobta uqu qabow, qeybaheeda kala duwan calaamado lagu aqoonsado ma laha, in aad aaddo wey khatar badan tahay oo naftaada aad ku biimayso.

Wiil dhalinyaro ah oo la yiraahdo Colin O’brady oo 33-jir ah ayaa taariikhda ku galay in 54 maalmood uu ka jaro qaaradda cirifka koonfureed ee barafka ah, waxa uu kaligii socday 1600 oo kiiloomitir, waana markii ugu horreysay Taariikhda ee qof kaligii uu qaaradda jaro, isagoo aan haysan taageero dibadda ah.

Colin O’brady waa ciyaaryahan xirfadle ah waaxa uu horey u koray 7 goobood oo ka mid ah goobaha dunida ugu dhaadheer, waxa uu taariikhda ku galay inuu dhammeystiray safarkiisa uu ku galay goobaha dunida ugu fog, faahfaahinta safarkiisa si maalinle ah ayay dadku ula socdeen, waxeyna ka daawanayay website-ka collinobrady.com, waxa uu isticmaalayay qalab tusinaya jihada saxda ah ee uu aadi karo.

Safarkan aadka u adag waxa uu galay talaagadiisa, waxaana uu documentary ka sameeyay safarkiisan taariikhiga ah isagoo isticmaalaya Instagram-ka, waxaanuu hadda aad ugu faraxsan yahay safarkiisa ay taariikhdu u qorayso khad dahab ah oo in muddo ah laga sheekayn doono.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close