WararkaWaxbarashada

Dhacdooyinkii Adduunka ee Maanta Oo Kale “5 January”

Maanta oo taariikhda ay ku beegantahay 5 January waa maalinta 5aad ee sanadka, waxaana dhamaadka sanadkaan 2019 naga xiga 360 maalmood.

Maanta oo kale 5 January 1882 Qareen lagu magacaabo Charles J.Guiteau ayaa lagu helay dambi ah inuu dilay madaxweynihii Mareykanka ee James A Garfield waxaana lagu xukumay dil toogasho ah, waana la

daldalay.

Maanta oo kale 5 January 1914 Shirkadda baabuurta ee Ford Motor Company ayaa ku dhawaaqday in waqtiga shaqada shirkadda uu yahay 8 saacadood maalintii halka mushaarka maalintii uu yahay $5 oo ay la

socoto gunno.

Maanta oo kale 5 January 1944 Wargeyska Daily Mail ayaa noqday wargeyskii ugu horeeyay ee gaara wadan ka baxsan meesha laga soo saaro.

Maanta oo kale 5 January 1972 Madaxweynihii Mareykanka Richard Nixon ayaa amray in la horumariyo isku dayada lagu doonayo in lagu tago hawada sare iyo waliba dayaxa dushiisa.

Maanta oo kale 5 January 1991 Shaqaalihii safaaradda Mareykanka ee ku taalay Magaalada Muqdisho Somaaliya ayaa diyaarad helicopter ah kaga saartay xarunta safaaradda, kadib dagaalo sokeeye oo ka qarxay

caasimadda.

Maanta oo kale 5 January 1993 Markab siday shidaal oo lagu magacaabo MV Braer oo laga leeyahay dalka Canada ayaa quusay kadib duufaanno xooggan oo ku dhufaty xeebta Shetland ee Scotland oo uu xilligaasi marayay, Waxaana saarnaa 84,700 (Sideetan iyo afar kun iyo toddobo boqol) oo Tan oo shidaal ah.

Maanta oo kale 5 January 2000 Siyaasi ka tirsanaa Xisbiga mucaaradka ee Tamil ee dalka Sri-lanka oo lagu magacaabo Kumar Ponnambalam ayaa lagu toogtay magaalada Colombo ee dalkaasi.

Maanta oo kale 5 January 2016 Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa ku eedeysay hey’adda cuntada Adduunka ee WFP in raashinkeeda gargaarka ah ay kusoo beegto xilliga uu soo go’ayo dallaga beeraleyda

Soomaaliyeed.

Maanta oo kale 5 January 2016 Wasiirkii Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Cali Diini ayaa dhagax dhigay warshad cusub oo sameyn doonta qalabka ciidamada gaar ahaan dharka, waxaana dhismaha xaruntaan gacan ka geysanaya dowladda Turkiga.

Maanta oo kale 5 January 2017 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xariga ka jaray dhismo ay dowladda Turkiga dhistay, taas oo xarun ku meel gaar ah u noqoneysa xubanaha Aqalka sare ee barlamaanka, xaruntaan ayaa horay u aheyd koleej waxbarasho.

Maanta oo kale 5 January 2017 Xubanaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kal fadhigoodi ugu horeeyay ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Maanta oo kale 5 January 2017 Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa tagay magaalada Beledweyne, waxa uuna la kulmay madaxda gobolka isagoo kala hadlay arimaha amaanka, abaaraha iyo horumarka.

Maanta oo kale 5 January 2018 Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga hirgeliyay adeeg Internet oo dhinaca qadka satellite-ka ah, xawaarihiisuna uu aad u sarreeyo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close