arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Lamaane Irbado Ka Dhex Helay Canab Ay Soo Iibsadeen.. Khatar Soo Kordhaysa oo Keentay in Dad Badani Ay Sas Ka Qaadaan Khudaarta (Muuqaal)

Iskandar iyo Shamso oo xilli dhow sugaya ilmo u dhalanaya ayaa waxey cunayeen cunno fudud cashada kadib, Shamsa ayaa waxey gacanta u fidisay xabbad canab ah si ay u cunto waxey dareentay iney wax khaldan yihiin, waxey yiraahdeen: markii aan canabka jarnay waxaa ku aragnay irbado.

Allaan u mahadcelinayaa ma aanan cunin, uur ayaan leeyahay iney dhibaato isoo gaartana ma doonayo, ayay tiri shamso.

Canabka waxaa soo iibiyay Iskandar 3:30 galabnimo, waxa uu ka soo iibiyay tukaanka Woolworths, gobolka gobolka Karaygibooran Balaaza, inta aaney cunin ka hor ayay dhaqeen, Shamsa waxey aragtay iney wax ka khaldan yihiin.

Shamsa ayaa tiri: Waan u tagay oo waxaan u sheegay inaan canabku caadi ahayn.

Markii canabkii oo dhan ay jarjareen, waxey ka heleen labo irbadood oo canabka ku dhex jirta.

Waxey yiraahdeen arrintaasi waxey nagu ahayd mid lama filaan ah oo welwel badan.

Qoyskani dhacdadii ayay booliska gaarsiiyeen, waxaa loo sheegay in la baari doono.

Dhanka tukaanka Woolworths waxaa la gaarsiiyay dhacdada iyo cabashada, waxaanuu sheegay iney booliska kala shaqeyn doonaan dhacdadan iyo baaritaankeeda.

Kadib dhibaatadii Faraawilada ee dunida aadka u gilgishay, xaaladd baqdin ayay ku reebtay dhacdadani qoyska oo ka fiigay canabka.

Waxey yiraahdeen: Digtoonaada, waxwalba jarjara, idinkoo aan u aabbo yeelayn wax kasta oo uu yahay, iska hubiya inta aydan cunin ama qoyskiinna aydaan siin.

Waxey u badan tahay bilaha soo aaddan inaanan cunin maadama aan aad u baqanayo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close