arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sababaha Ay Dumarka Qaarkood Ku Xushaan Ragga Bidaar leh (Muuqaal)

Dumar qaar waxey u arkaan ninka bidaarta leh inuu yahay qof soo jiidasho badan oo uu ragga kale ka duwan yahay, sidaa darteed waxey ku riyoodaan iney mar un helaan oo ay guursadaan, maadaama uu leeyahay astaamahan gaar ah, waa sida uu qoray website-ka Lifehack.

Muuqaal soo jiidasho badan

Ninka bidaarta leh ragga kale waxa uu uga duwan yahay muuqaalkiisa soo jiidashada badan, waxaa lagu yaqaannaa inuu leeyahay awood doonis xooggan, maadama uu doortay inuu ragga kale kaga duwanaado.

-Waxa uu baadigoobaa inuu ragga ka duwanaado

Sida ay cilmi-baarayaal sheegeen, ragga xiira timahooda, waxey leeyihiin doonis ay ragga kale kaga duwan yihiin, waxey jecel yihiin cusbooneysiinta naftooda iyo muuqal u qalma iney yeeshaan, waana arrinta ay dumarku jecel yihiin.

-Muuqaalkiisu isma bedelo.

Ninka bidaarta ah hiddo ahaan muuqaalkiisa isma bedbedelo, arrintaas oo aan gabadha dhibaato ku ahayn iney ka welwesho timihiisa inuu si fiican u shalleystay iyo in kale.

-Kibirku wuu ku yar yahay

Ragga bidaarta leh kibirka iyo is-qaad qaadku kuma badna, kuma faano qaab cusub oo uu tintiisa u soo jarto, arrintaas oo haweenka ka dhigaysa iney arkaan inaan marnaba muuqaalkiisu is-bedelayn waqtigu si kasta oo uu u weynaado.

-Lacagtaa u baaqata

Ninka bidaarta leh uma baahna inuu baarbiyeeri ama rayiisle aado, waqti badanna kuma qaaato inuu tintiisa shalleysto, arrintaas oo damaanad qaadaysa iney lacag farabadan halkaa ku baaqato.

-Muraayadda Waqti badan kuma lumiyo

Ninka bidaarta leh waqti badan kuma bixiyo muraayadda iyo masqusha, maxaa yeelay waqti badan oo timo uu ku shalleyo uma baahna, arrintaas oo waqtiga qaar u beekhaamineysa.

-Waxaa ku badan hormoonka Testosterone

Sida ay cilmibaarayaal sheegayaan ninka bidaarta leh waxaa ku badan hormoonka Testosterone, arrintaas oo keenaysa inuu marwalba u baahi qabo lamaantiisa, si ka badan ragga timaha leh.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close