arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Shiinaha: Kaftan Culus oo Lagu Kala Kiciyey Faraxad Aroos .. Dhaqan Yaab Badan oo Sabab U Ah! (Muuqaal)

Aroos ayaa dacwad ka gudbiyay saaxiibbadii, kaftanka maalintiisii arooska darteed ayuu u galay isbitaal, waxaana dusha laga saaray lacago caymis ah oo looga rabo shil waddo oo uu khaladkiisa yeeshay.

Arooskan dhalinyarada ah ee 24 jirka ah waxaa laga rabay inuu u dulqaato jeesjeeska saaxiibadii oo qeyb ka ah dhaqan deegaanka ka jira oo dhalinyarada oo dhan ay wada marto, gobolka Qowaytsho ee koonfur-galbeed Shiinaha.

Qaar ka mid ah qaraabada wiilkan dhalinyarada ah oo la hadlay website Chinese-ka ah ee The Piper, dhacdadana goob-joog ka ahaa ayaa sheegay in saaxiibbadii bilowga hore ay ku tuuryeeyeen ukun, biire iyo khad, xilli uu u socoday aroosadda inuu soo ka xeeyo, laakiin kaftankii si lama filaan ah ayuu faraha uga baxay.

Saaxiibadii wey qabteen oo dharkii ka siibeen kuna xireen tiir koronto ah, iyagoo weliba ul kala daalay, waxeyna ku xireen tiir ka ag-dhawaa meel waddo ah oo gawaadhidu ay si xoog ah u marto.

Arooska oo la hadlay website-ka Btime.com ayaa yiri, waxaan is hayn kari waayay kadib markii ay khad igu shubeen, aragtidiina ay igu adkaatay.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, qof baa i eryanayay, ma arkayn cidda uu ahaa, waxaan ku orday dhanka wadada anigoo doonayay inaan qofka i eryanaya ka baxsado.

Waqti yar kadib ayaa waxaa la maqlay cod xooggan muraayado burburkeed una eeg codka shilalka kadib markii ay isku dheceen gawaadhi wada maraysay oo isaga ka leexatay si aaney u jiirin, ma aanuu dhiman laakiin shilkaa dhibaato ayaa ka soo gaartay.

Gawaadhidii waxaa soo gaartay dhibaato culus, isagii waxaa la dhigay isbitaalka oo muddo 3 isbuuc ah lagu daaweynayay iyadoo lafta madaxa ay waxyeello soo gaartay, dhiig bax gudaha ahna uu jiray.

Khaladkii wadada ka dhacay isagaa dusha laga saaray maadama uu si khaldan u soo galay, shirkadda caymiska gawaadhisa ayaa ku soo dallacatay 30-kun oo Yuwan oo ah lacag u dhiganta (4 kun oo Pound), arooskii waxa uu goostay inuu isna sharciga la tiigsado saaxibbadii dhibaatadan qoorta u geliyay, kuwaas oo arooskiisiina ka carqaladeeyay.

Qaraabadiisa ayaa sheegay inaanuu haysan lacagtii kufilan uu ku bixiyo kharashaadka caymiska ah ee lagu soo dallacay, isla markaana ay u soo uruuriyeen 6 kun oo Yuwan (691 Pound), si uu iskaga bixiyo lacagta caafimaadka isbitaalkii uu ku jiray.

 

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close