WararkaWaxbarashada

6 Talo oo Kaa Garabsiineysa Inaad Ka Gudubto Dibna Uga Kabato Fashilka Jacaylkaaga Koowaad (Muuqaal)

Dareenka Guusha si guud waa halka uu tiigsado qof kasta, guusha nolosha shaqsiga, gaar ahaan waa hadafka qof kasta, sidaa darteed, marka uu fashil kugu dhaco waxaan dareemaynaa in nolosha ay soo xirantay, dadka qaar waxey aaminaan in xiriirka jacaylka uu yahay hadafka nolosha marka uu burburana ay waxwalba u dhammaatay, ma karaan iney murugada ka dhex baxaan, si hadaba aad uga gudubto murugada xiriirka burburay, website-ka wikiHow, ayaa soo gudbinaya talooyin ku aaddan siyaabaha looga gudbi karo:

1- Fikirka iska yaree

Waxaa laga yaabaa in fikirka inaad ka tirtirto ay tahay xalka ugu wanaagsan ee dhaawaagaaca aad ku dhayi karto, waxaa dhici kara in arrintani ay kuu keento natiijo cagsi ah oo sidii aad filaysay ka duwan, haddii aad isku daydo inaad naftaada ka mamnuucdo iney ku fakarto dhibaatada un baa kugu sii badaneysa, sidaa darteed waa inaad naftaada u ogolaato iney ku fakarto , laakiin si kooban.

2- Waa inaad ka joogsato ku fakrta waxyaabaha aan romoobayn

haddii aad isku dayayso inaad la qabsato waayitaanka jacaylkaagii koowaad, markaa waxaad dhexda ka galeysaa afkaar khaldan, sida inaad tiraahdo; mar kale waxba ma jeclaan doono, mar kale farxad ma arki doono, fikiradahaasi oo kale waa inaad iska yareyso, si aad uga gudubto marxaladdaa aad ku jirto.

3- Xaaladda aad ku sugan tahay xoogga saar

Wixii la soo dhaafay inta aad ka fakari lahayd, xoogga saar xaaladaada aad hadda ku sugan tahay iyo waxyaabaha muhiimka ee ku horyaalla, ehelkaaga, saaxiibadaa iyo shaqadaada, in kasta oo ay jirto inaadan haysan xiriirkii caadifadeed ee aad jeclaan lahayd inaad hesho, waxaa muhiim ah waxyaabo kale inaad isku mashquuliso.

  1. Daryeel Naftaada

Marka aadan naftaada daryeelayn waxaa kugu adkaaneysa inaad si wanaagsan u fakarto, hurdada ayaa kugu adkaaneysa sports ma ciyaari kartid marka aad jacaylkaaga weydo, laakiin waxaa waajib ah inaad ilaashato aasaasiyaadka noloshaada oo naftaada aad daryeesho, arrintaasi waxey kaa garab siineysaa inaad sii ahaato qof awood badan isla markaana aad ka fogaato fikrada taban ee noloshaada dhibaatada ku ah.

5- Ka Faa’iidayso Tijaabooyinka dadka kale

Raadi saaxiib ama qof qaraabo kula ah oo tijaabo noocaaga oo kale ah ay soo martay, laakiin markii dambe si wanaagsan uga gudbay, ka kororso wadadii uu dib u kabashada ugu sameeyay iyo sida uu uga gudbay xaaladdaa adag.

6- Ogow in muddo aad murugoon doonto

Tallaabo u qaad sidii aad ku fiicnaan lahayd oo murugadu kaaga bixi lahayd, in jacaylkaaga koowaad aad weydo waa arrin adag oo aad iska illoowdo, habeen iyo maalinna kuma illaabi kartid, waxaad u baahan tahay xoogaa waqti ah iyo samir.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close