WararkaWaxbarashada

Dhacdooyinkii Adduunka ee Maanta Oo Kale “6 January”

Maanta oo taariikhda ku beegantahay 6 January waa maalinta 6aad ee sanadka waxaana dhamaadka sanadka naga xiga 359 Maalmood.

Maanta oo kale 6 January 1912 Gobolka New Mexico ayaa loo ogolaaday inuu kusoo biiro Mareykanka Waxaa uuna noqday State kii 47aad ee dalkaasi.

Maanta oo kale 6 January 1912 Caalimka weynaa ee cilmiga geophysics -ka ama cilmiga dhulka iyo sayniska dabiiciga ah ee   Alfred Wegener ayaa markii ugu horeysay soo bandhigay aragtidiisa ah Wareega

dhulka.

Maanta oo kale 6 January 1921 Ciidamada qalabka sida ee dalka Ciraaq ayaa la aasaasay.

Maanta oo kale 6 January 1930 Gaarigii ugu horeeyay ee isticmaala shidaalka nooca Naftada ayaa safar tijaabo ah loogu sameeyay inta u dhaxeysa gobolka Indiana ilaa New York.

Maanta oo kale 6 January 1946 Doorashadii guud ee ugu horeysay ee Baarlamaanka dalka Vietnam ayaa la qabtay.

Maanta oo kale 6 January 1947 Diyaarada ee Pan American Airlines Ayaa noqotay diyaaradii ugu horeysay ee bixisa 1 ticket oo macaamiisheeda u suura galinaya inay kuso wareegaan meelo badan oo

dunida ah.

Maanta oo kale 6 January 1950 UK ayaa aqoonsatay Jamhuuriyadda shacab weynaha Shiinaha Maanta oo kale 6 January 1960 Sharci ogolaanaya nidaamka xisbiyadda badan ee dalka Ciraaq ayaa dhaqan galay.

Maanta oo kale 6 January 1960 Diyaaradda National Airlines Flight 2511 ayaa hawada ku burburtay,kadib qarax bambo oo diyaarada ka dhex dhacay, diyaaradaan ayaa kusii jeeday gobolka Miami iyadoo kasoo

duushay Newyork.

Maanta oo kale 6 January 1992 Madaxeynihii dalka Georgia Zviad Gamsakhurdia  ayaa ka qaxay dalkaasi kadib afgambi military oo ka dhacay dalkaasi, waxa uuna u jiheystay dhinaca wadanka Azerbaijan.

Maanta oo kale 6 January 2001 Xildhibaanadda aqalka hoose ee dalka Mareykanka ama Congress ka ayaa ansixiyay in madaxweyne George Bush uu yahay madaxweynaha ku guuleystay doorashadii sannada

2000.

Maanta oo kale 6 January 2005 Isku dhac tareen oo ka dhacay magaalada magaalada Graniteville ee gobolka South Carolina ayaa kusii daayay hawada magaaladaasi 60 tan oo gaaska Chlorine (Kalooriin) ah.

Maanta oo kale 6 January 2012 Ra’iisul wasaarihii dowladii Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqday magaalada Beledweyne.

Maanta oo kale 6 January 2013 Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo badbaadisay saddex ruux oo ay burcad badeed Soomaali ah ku heysteen xeebaha Soomaaliya muddo ka badan 2 sano.

Maanta oo kale 6 January 2014 Guddiga Doorashada dowlad goboleedka Puntland ayaa shaaciyay liiska kama dambeysta ah ee musharaxiinta ka qeyb galaya doorashada madaxweynanimada maamulkaasi.

Maanta oo kale 6 January 2016 Garoon ku yaalla magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga ayaa loogu magacdaray Alle ha u naxariistee Saamiya Yuusuf Cumar oo aheyd orodyahan Soomaaliyeed oo dalka Soomaaliya u matashay ciyaarihii Olombikada ee sanadka 2008dii ee lagu qabtay Beijing, Saamiya ayaa April 2012 ku geeriyootay badda Mediterranean ka iyadoo dooneysay inay Yurub gasho. Magacaabistaan ayaa ka dambeysay kadib buuq aad loo akhristay oo uu qoraa Talyaani ah ka qoray Saamiya.

Maanta oo kale 6 January 2016 Madaxeynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Dowladda Soomaaliya ayaa Boosaaso u tagay daah furka Garoonka diyaaradaha magaaladaasi iyo mashaariic kale.

Maanta oo kale 6 January 2017 Xildhibaanadda aqalka hoose ee dalka Mareykanka ama Congress ka ayaa ansixiyay in madaxweyne Donald Trump uu yahay madaxweynaha ku guuleystay doorashadii sannada

2016.

Maanta oo kale 6 January 2018 Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tagay dalka Jabuuti.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close