WararkaWaxbarashada

Dhex Bartamaha London.. Beer Cabsi Badan oo Dadbadani Aaney Ogeyn Jiritaankeeda (Muuqaal)

Dhex bartamaha London, waxaa ku taalla beer dadweyne, oo dadka deegaanku ay aad uga baqdaan si aad ahna aaney u aqoon oo la yiraahdo London’s Secret Garden, Beerta dhankeeda bari waxaa ku taalla kaniisadda Donistan waxaa la dhisay qarniyadii dhexe sanadkii 1100-miilaadiga.

Waxey leedahay taariikh dheer oo u noqoneysa 900-sano ka hor.

Sanadkii 1666, ayaa mar labaad dib loo dhisay, kadib markii ay dhibaato ka soo gaartay dabkii weynaa ee London.

Intii lagu guda jiray dagaalkii Labaad ee Adduunka, ayaa si toos ah loo duqeeyay oo dhibaato culus ay ka soo gaadhay. waxaa ka soo haray derbiga waqooyi iyo kan koonfureed iyo taallada kaniisadda oo qura.

Intii mar kale dib loo dhisi lahaa ayaa magaalada London waxaa la go’aamiyay in haraadiga kaniisadda Donistan ee galbeedka magaalada loo bedelo Beer dadweyne oo cid walba u furan. waa marka aad garaneyso halka ay ku taallo.

Waxey ku taallaa beertani meel ka fog wadada weyn ee u dhaxeysa taalladda iyo buundada London.

Derbigeeda cagaarka ah ee dhirtu dabooshay, geedaha, ubaxyada ayaa ka dhigaya goob soo jiidasho badan oo ay magaaladu leedahay.

Waana goob aad ku xasuusaneyso taariikhdii hore ee London

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close