WararkaWaxbarashada

Muuqaal La Doonayay In lagu Sumcad Dilo Xildhibaanka Ugu Da’da Yar Congress-ka Maryekanka oo Saameyn Liddi Ah Dhaliyay (Muuqaal)

 

Muuqaal ay horey u duubtay gabadha ugu da’da yar golaha cusub ee Congress-ka Mareykanka Alexandria Ocasio-Cortez oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ayaa la soo bandhigay iyadoo ciyaaraysa qoob ka ciyaar, arrintan ayaa dhalisay saameyn cagsi ah, waxey ugu talogaleen iney ku sumcad dilaan, taa bedelkeeda qiimihii ay dadku u hayeen ayaaa sare u kacday.

Muuqaalkan ayaa si xoog ah ugu faafay barta internet-ka, shacbiyadeeda hoos uma aanuu dhigin, sidii loogu talogalay, gabadhan oo 29-jir ah ayaa si aad ah loo garab istaagay.

Xisaab cusub oo dhawaan barta Twitter-ka laga furay ayaa la soo dhigya muuqaal kooban oo ay la socoto weedha: “Waa tan shuuciyadda lala doonayo Mareykanka, waxey u dhaqmeysaa sidii doqon oo kale oo ay u eeg tahay.”

Haweenay ka mid ah dadka Twitter-ka isticmaal ayaa soo qortay: Muuqaalka waxa uu muujinaya Aleandria oo ciyaaraysa, maxaa ku jaban.

Alexandria, ayaa dhankeeda muujisay sida ay ugu faraxsan tahay muuqaalka maadama ay hibo ay leedahay dibadda u soo baxday.

Aleandria Ocasio oo la hadashay jariidada The Hill, ayaa sheegtay : “Wax horey loo bartay maaha in dad mas’uuliyiin ah ay sumcad wanaagsan ku yeeshaan qoob ka ciyaarka, waxaa i farxad gelinaysa iney dadku arkaan inaan xariif ku ahay.”

Gabadhan oo ku caan baxday sida ay uga soo horjeeddo siyaasadaha madaxweyne Trump ayaa hadalkeeda sii raacisay: “Ma fogeysanayo in Jamhuuriyiinta ay aaminsan yihiin in qofku hibadiisa uu soo bandhigo ay hoos u dhigayso qof qaanuunka heer marsanna ay kuu arkaan.”

Congress-ka Maryeknka ee cusub oo markii ugu horreysay kulmay Khamiistii Janaayo 3, 2019, ayaa waxaa ku soo baxay dumar badan iyo xubno ka soo jeeda dadka laga tirada badan yahay, intooda badani waxey ka soo baxeen xisbiga dimuqraadiga.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close