arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waxey Dhashay 13 Caruur ah Midna Hooyo Uma Aha.. Waxeyna Dooneysa Iney Sii Dhasho Ilmo Kale (Muuqaal)

Haweenayda la yiraahdo Karlo Horlook ayaa waxey sheegtay iney dooneyso iney uur qaaddo markeedii 16aad ka hor 53 jir keeda, iyadoo ay jirto in dhakhaatiirtu ay uga digeen maadama ay caafimaadkeeda khatar u horseedayso.

Karlo waxey sheegtay iney diyaar u tahay iney mar kale riximikeeda ku qaaddo ilmo ay hooyo kale dhashay, waana sida ay horey uurka uga qaadday 10-hooyo oo ay u dhashay 13 caruur ah oo ay ku jiraan 3-mataane ah.

Karlo oo ah hooyo leh labo gabdhood ayaa ka soo muuqatay barnaamijka Subax-wanaagsan Britain iyadoo ay hareer fadhiday gabadheeda Megan oo ka hadashay khatarta caafimaad ee hooyadeed u bareerayso, waa marka ay tallaabadan mar kale qaaddo oo riximkeeda ay kirayso.

Soo jeediyaha barnaamijka Bin Shebrad ayaa Kalo weydiiyay, ma waxaad qabatintay uurka, waxey diidday iney qabatintay, laakiin waxey sheegtay iney jeceshahay iney uur yeelato.

Gabadheeda ayaana arrintan ku raacday oo sheegtay in hooyadeed ay xaalad dabiici ah dareemayso marka ay uurka leedahay, waa sida ay sheegtay jariidada Daily Mail.

Karlo waxey sheegtay iney dareemayso in caafimaadkeedu uu wanaagsan yahay, markii ugu dambeysay ee ay uur qaddana uu ahaa 5 sano ka hor, caafimaadkeedana aaney wax khatar ah u horseedayn, maadama ay daryeel caafimaad haysato.

Karlo iyo go’aankeeda ayaa dood badan ka dhaliyay Baraha-bulashada, dadka qaar waxey ku tilmaameen iney hanti doon tahay, halka kuwo kalena ay ku sheegeen  iney lo’ un tahay, halka dadka qaar ay difaaceen, maadama hooyo kale oo aan si dabiici ah u dhali karin ay rajo siineyso iyo caruur.

Karlo waxey nafteeda ku difaacday inaaney hanti doon ahayn, maadama aaney jirin wax baahi ah oo ku khasbaysa, lacag ku filan oo nolosheeda ay ku maareysana ay haysato.

Waxey sheegtay in lacagta uurkan ka soo galeysaa ay tahay 15-kun oo pound, waana lacagta ay xadeeyeen maxkamadaha Ingiriiska ee riximka bedelka ah lagu kireeyo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close