WararkaWaxbarashada

Daawo: Ali Banat Maalqabeen Hantidiisii oo Dhan Ku Bixiyay Fuqarada Muslimiinta Dardaaran Adagna Uga Tagay Aadanaha

Bishii June ee kal hore ayaa waxaa geeriyooday milyaneirka muslimka ah ee Ali Banat, ee ku noolaa dalka Australia asal ahaanna ka soo jeeday dalka Falastiin, kadib markii uu muddo labo sano ah la tacaalayay cudurka kansarka oo markii dambe uu u geeriyooday.

Ali Banat, waxa uu ahaa qof nolol taajirnimo ku nool oo nolosha waxwalba oo nimca ah oo ay leedahay haysta, noloshii uu ku jiray waxaa ka cakiray oo ka qasay cudurkan halista ah ee ku dhacay, cudurka kadib waxa uu u istaagay in uu u adeego fuqarada Muslimiinta adduunka, lacagtii uu haystay ee uu tacbaday iyaga ayuu ku bixiyay si noloshooda uu u hagaajiyo.

Hadaba, waxaa dhawaan la sii dayay muuqaal uu codsaday in dhimashadiisa kadib ay dadku daawadaan, muuqaalka ayuu duubay, waxaanuu codsaday in la baahiyo dhimashiida kadib, muuqaalka ayuu ku sheegay in aadanaha uu nimcooyin badan haysto oo lacag aan lagu heli karin, sida inuu subax walba soo tooso oo uu awood u yeesho inuu masqusha aado kaligii, isagoo tilmaamay in nimcadaas uu cudurku ka mamnuucay, waxa uu yiri; “Nimcadan (in aad masqusha gasho isla markaana aad ka soo baxdo kaligaa), si tartiib tartiib ah ayaa cudurku iiga qaaday, xilliyadii ugu dambeysay nolosheyda. ”

Banat cudurka waxa uu ku sheegay inuu hadiyad xagga Rabbi uga timid uu u ahaa, waxa uu ku helay fursad uu isku bedelo, kadib markii uu ku noolaa nolol gawaadhida dheereeya, dharka qaaliga ah iyo waxyaabo kale oo aan la soo koobi karin ay ku badnaayeen waddo khaldanna uu ku socday, markii uu xanuusaday ayaa waxaa u soo baxday in wadadii uu ku socday ay ahayd mid khaldan.

Banat, waxa uu goostay inuu hantidiisa ku bixiyo isbedel uu ka dhaliyo nolosha dadka kale, kadib markii ay dhakhaatiirtu u sheegeen in mudada uu noolaan karo ugu badnaa ay 7 bilood oo qura, magaalada Sidni ee dalka Australia ayaa  uu ku noolaa labo sano oo uu sii noolaaday, sannooyinkiisii ugu dambeeyay halkaas ayuu ku qaatay, waxa uu lacagtiisa ku bixiyay oo uu ugu tabarucay Muslimiinta quutul daruurigu ku adag yahay ee daafaha kala duwan ee dunida ku nool, xilli uu dhanka kale la tacaalayay cudurka halista ah oo jirkiisa si tartiib tartiib ah u mirayay.

Habka garabsiinta gacansadahan waxa uu ka bilaabay inuu iibiyay shirkaddiisa waxaanuu u safray dalka Togo ee Afrika, waxa uu ka dhisay masaajid iyo iskuul ay caruurta wax ku barato, habkii kaalmadiisa wuu ballaariyay, waxaanuu aasaasay mashruuc ku aaddan taageerada muslimiinta daafaha kala duwan ee adduunka ku dhabaatooneysa, waxa uu dejiyay qorshe uu ku dhisayo isbitaal iyo maalgashi kale oo dadka deegaanka lagu taageerayo.

Janaasadiisii waxaa lagu tukaday magaalada Sydney (Sidni) iyadoo loo dhigay janaaso haybad leh, iyadoo dadkii jeclaa ay aad uga murugeysnaayeen dhimashadiisa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close