arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Shiinaha oo Dil Ku Fuliyay Nin Nafta Dhaafiyay 10 Haween Ah Maydkooda Dhallanrogay (Muuqaal)

Shiinaha ayaa dil ku fuliyay nin 54 jir ah, kadib markii uu kufsaday naftana uu dhaafiyay 10 dumar ah intii u dhaxeysay 1988 illaa 2002, waa sida ay sheegeen warbaahinta maxalliga ah ee ka soo baxa gudaha dalka Shiinaha.

Ninkan oo la yiraahdo Gaw Shiyong, ayaa dumarka dharka casaanka ah xiran daba dhigta, kufsda, dila, hungurigana ka jaray intooda badan, kadibna dhallanroga meydkooda si aan loo aqoonsan, waxaa ka mid ahayd canug yar oo 8 jir ah.

Booliska ayaa qabtay Gaw sanadkii 2016, kadib markii DNA-da adeerkii baaritaan lagu sameeyay, si ay boolisku u hubiyaan xiriirka qaraabo ee kala dhexeeya Gaw, kadibna wey heleen oo ay gacanta ku dhigeen.

Dambiilahani wuu qirtay falka uu ku kacay bishii March ee kal hore, kadibna waxaa lagu xukumay dil, booliska ayaa sheegay inuu qabatimay kufsiga iyo dilka dumarka.

Goobjoog Edu

 

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close