WararkaWaxbarashada

Sucuudiga: Madaa’in al-Saalax oo Noqoneysa Goob u Furan Dalxiiska Adduunka (Muuqaal)

Magaalada al-Xejri ee Guriyihiin qowmkii Nabi Saalax, ayaa xilliyadii dambe  noqotay goob dalxiis oo soo jiidata warbaahinta qeybaheeda kala duwan, gaar ahaan dadka isticmaala baraha bulashada, waxaa dalka Sucuudiga ka bilowday dabaaldagga (Xagaaga Danduura) oo ay soo qabanqaabisay hay’adda guud ee madadaalada ee gobolka al-Calaa ee waqooyi bari Sucuudiga.

Dabbaaldaggana ayaa danta laga leeyahay uu yahay in lagu xoojiyo goobaha taariikhiga ah ee ka diwaangashan UNESCO ee Sucuudiga ku yaalla isla markaana ay ugu horreysay Magaalada al-Xejri.

Sanadkii 2008 ayaa Madaa’in al-Saalax laga diiwaangeliyay UNESCO, sidaas ayeyna ku noqotay goobtii ugu horreysya ee Sucuudi ah ee ku biirta goobaha Taariikhiga ah ee caalamiga ah.

Sida uu qoray Website-ka Sabq ee wararka, hay’adda dalxiiska Sucuudiga oo kaashaneysa gobolka Madiinah al-Munawarah ayaa loo xilsaaray fulinta mashruuc lagu diyaarinayo laguna horumarinayo goobta ay ku taallo Madaa’in Saalax, iyadoo la waafajinayo shuruudaha iyo halbeegga goobaha taariikhiga ah ee heerka caalami.

Dood badan oo ka dhalatay

Dad badan oo Sucuudiyaan ah ayaa sannooyin badan aaminsanaa iney xaaraan tahay in la booqdo qaab dalxiis ahaan ah iyo faajofaajood loo aado goobtii lagu halaagay qowmkii nabi Saalax, waxeyna dadku haysteen fatwo ay soo saareen culumo waaweyn oo uu ka mid ah Sheekh Cabdul Casiis Ibnu Baaz. culumadan ayaa bidhaan sanaya la bidhaan sanayo xadiiskii Nabiga N.N.K.H, uu ku yiri, markii uu soo ag-maray madaa’in Saalax ka hor dagaalkii Tabuuk,: “Ha soo gelina guryaha dadkii naftooda dulmiyay, si aanuu idiinku dhicin cadaabkii ku dhacay oo kale, illaa inaad ooyaysaan mooyaane.”, iyadoo dadka naftooda dulmiyay loola jeedo qowmkii reer Thamuud oo qeylo lagu halaagay kadib markii ay buqno gooyeen hashii Nebi Saalax, sida uu inooga warramay Qur’aanka Kariimka.

Si kastaba, dowladda Sucuudiga ayaa qorsheynaysa in goobtani ay noqoto mid kumanaan qofi ay sanadkii u soo dalxiis tagaan, iyadoo ka mid noqoneysa goobaha dadka u furan ee la soo booqan karo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close