WararkaWaxbarashada

Dhaartii “Ilhaan Cumar” Ay Uga Mid Noqotay Congress-ka Mareykanka… Musxafkii Lagu Dhaariyay Taariikh Noocee Ah Ayuu Ku Leeyahay Nafteeda ? (Muuqaal)

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka isla markaana noqotay haweenaydii ugu horreysay ee xijaaban ee ka mid noqota golahaasi, ayaa sheegtay iney doonayso in Mareykan ay ka dhigto waddan si wanaagsan uga hormara istaageeridda iyo xorriyadda diimaha.

Hadalkan ayay ka jeedisay xafladda loo dhigay munaasabadda dhaarinteeda ka mid noqoshaha Congress-ka Marykanka oo Jimcihii lasoo dhaafay la qabtay.

Ilahaan ayaa tilmaantay iney aad u xamaasaysan tahay aadna ay ugu faanayso dadkii doortay ee fursaddan u ogolaaday si loo toosiyo habsami u socodka dimuqraadiyadda iyo halganka loogu jiro horumarinta  aadanaha.

Dhanka dhaarteed, waxey ku dhaaratay Musxafka Kitaabka Qur’aanka Kariimka, Ilhaan waxey sheegtay iney ku dhaaratay Nuskhad Musxaf ah oo ay soo qaadatay markii ay soo galeysay dalka Mareykanka sanadkii 1995.

Waxeyna xustay in Musxafka uu u ahaa hadiyad uu awoowgeed siiyay, waxey tiri: “Awoowgey ayaa ahaa qofka tusaalaha ii ah oo aan kaga daydo dhinaca siyaasadda, maanta waxey ahayd inuu i garab taagnaado, laakiin waxa uu geeriyooday 2013.”

Waxey hadalkeeda sii raacisay waxaan si wanaagsan u ogahay inuu aad u jeclaan lahaa inuu maanta nala joogo halkan, sidaa darteed waxaan doonayaa in xasuustiisu ay nala joogto, sidaas ayaanan nuskhadda Musxafkan ugu dhaartay.

Si kastaba, Ilhaan ayaa sheegtay iney si wanaagsan ula dagaallami doonto siyaasadaha madaxweyne Trump oo labo xisbi ay ka soo kala jeedaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close