WararkaWaxbarashada

Dhacdooyinkii Adduunka ee Maanta oo Kale “8 January”

Maanta oo tirada taariikhda ku asteysantahay 8da January waa maalinta 8aad ee sanadka, waana talaadadii labaad ee sanadka, waxaana dhamaadka sanadkaan naga xiga 357 maalmood.

Maanta oo kale 8 January 1790 Madaxweynihii Mareykanka ee George Washington ayaa markii ugu horeysay hortagay baarlamaanka dalkaasi, isagoo ka horjeediyay khudbadiisa sanadlaha ah.

Maanta oo kale 8 January 1828 Xisbiga Dimuqraadiga dalka Mareykanka ayaa la aasaasay.

Maanta oo kale 8 January 1835 Dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeysay noqday dal aan deyn lagu laheyn, waana marka kaliya oo ay sidaasi dhacday.

Maanta oo kale 8 January 1867 Dadka Madowga ah ee dalka Mareykanka ayaa loo ogolaaday in ay codeyn karaan.

Maanta oo kale 8 January 1912 Xisbiga haya talada dalka South Afrika ee African National Congress (ANC) ayaa la aasaasay

Maanta oo kale 8 January 1918 Gobolka Mississippi ayaa noqday gobolkii ugu horeeyay ee ansixiya xeer lagu mamanuucayo cabitaanada Alcohol ka ee dalka Mareykanka, xeerkaas ayaana markii dambe la nasaqay.

Maanta oo kale 8 January 1926 Boqor Cabdi caziiz Ibnu Sacuud ayaa loo caleemo saaray boqorka dhulkii Hijaaz oo hadda dhacda galbeedka dalka Sacuudiga.

Maanta oo kale 8 January 1947 General George Marshall ayaa loo magacaabay xoghayaha arimaha dibedda dalka Mareykanka.

Maanta oo kale 8 January 1966 Ra’iisul wasaarihii Faransiiska ee Georges Pompidou ayaa mar labaad loo magacaabay xilkaasi.

Maanta oo kale 8 January 1973 Midowga Soviet ayaa hawada sare u diray dayax cagmeedkii Luna 21.

Maanta oo kale 8 January 2002 Madaxweynihii dalka Mareykanka George W. Bush ayaa saxiixay xeerka No Child Left Behind Act, kaas oo si sanadle ah loogu hubinayo tayada iskuulada hoose dhexe iyo sare ee Dowladda, macalimiinta dhigta iyo waliba Ardayda dhigata.

Maanta oo kale 8 January 2009 Dhul gariir cabirkiisu yahay 6.1-magnitude ayaa ku dhuftay waqooyiga dalka Costa Rica kaas oo galaaftay nafafka 15 ruux halka 32 kalana ay ku dhaawacmeen.

Maanta oo kale 8 January 2014 Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa loo doortey inuu noqdo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland.

Maanta oo kale 8 January  2016 Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa xariga ka jaray garoon diyaaradeed oo cusub oo laga furay magaalada Boosaaso. Waxaa maal geliyay dhismaha garoonka dowladda Talyaaniga, waxaana dhismihiisa hirgelisay shirkad dhismo oo laga leeyahay dalka Shiinaha.

Maanta oo kale 8 January 2017 Ciidamda Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay dooni si sharci darro ah uga kalluumeysanaysay xeebta Hobyo ee goboka Mudug iyo shaqaalihii saarnaa oo ay tiradoodu gaareysay  40 ruux . Waxaana doonida laga lahaa dalka Yemen.

Maanta oo kale 8 January 2018 Golaha wakiilada ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka ka hortagga kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga oo muddo dheer horyaalay golaha.

Maanta oo kale 8 January 2018 Madaxweynaha Somaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si rasmi ah u furay garoon cusub oo laga dhisay magaalada Garoowe. Waxaana loogu magac daray Jeneraal Maxamed Abshir Muuse oo mar ahaa taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close