WararkaWaxbarashada

Suldaan Maxamed al-Khaamis oo Ka Dagay Jagadii Boqortooyada Malaysia (Muuqaal)

Bayaan uu soo saarya qasriga boqortooyada Malaysia ayaa lagu sheegay in Suldaan Maxamed al-Khaamis uu iska casilay xilkii boqortooyada Maleysia, kadib markii uu fasaxyo daawo ah uu marar badan qaatay, iyadoo ay jiraan warar la xiriirinaya inuu guursaday boqorrada quruxda Ruushka.

Bayaan ka soo baxay Axaddii January 6, 2019 qasriga madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in qasriga boqortooyada uu shacabka gaarsiinayo in boqorka uu jagadii boqorka 15aad uu iska casilay, iyadoo go’aankani uu dhaqan gelayo Janaury 6.

Tani waa markii ugu horreysay ee dalka Malaysia uu boqorka xilkiisa iska casilo, tan iyo intii uu dalkaasi xorriyadda qaatay 1957, qasriga boqortooyadu ma aanuu sheegin sababta ku kalliftay inuu boqorka oo 49 jirka ah ka dago xilka boqorka Malaysia.

Warbaahinta caalamka ayaa dhawaan la isla dhex marayay in  boqor Maxamed al-Khaamis uu guursaday Oksana Voevodina oo ku guuleystay tartanka quruxda Moscow sanadkii 2015.

Xafladda guurka waxey qabsoontay November 22, waxaana lagu qabtay hoolka xafladaha ee  “BARVICHA CONCERT HALL“, kaas oo ku yaalla deegaan ay ku noolyihiin dadka ladan ee gudaha caasimaadda Moscow.

Sida warbaahinta Malaysia ay sheegeen, Voevodina, waxey qaadatay diinta Islaamka Lix-bilood ka hor, si ay boqorka qoys ula noqoto.

Boqor Maxamed al-Khaamis ayaa horey u guursaday, laakiin weli wax caruur ah looma dhalin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close