WararkaWaxbarashada

Yaxaas Ugaarsaday Ugaarsadihii Caanka ah ee Libaaxyada (Muuqaal)

Waxaa la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay indhahana ka qarsoomay Ugaarsadihii ku caan baxay ugaasiga libaaxa ee Scott Van Zyl oo lagu waayay gudaha Zimbabwe, isbuucii la soo dhaafay, waa sida uu sheegay website-ka whitewolfpack.

Website-ka ayaa sheegay in ugaarsadahan u dhashay Koonfur Afrika uu ku caan baxay ugaarsiga libaax, laakiin hadda la tuhunsan yahay inuu yaxaas liqay.

Website-ka ayaa xusay in ugaarsadahan xirfadlaha ahaa uu la socday koox ajinabi ah, laakiin uu yaxaas ka u gaarsaday xeebta webiga Limpopo River oo ah oo ka mid ah webiyada ugu waaweyn Afrika.

Website-ka ayaa caddeeyay in koox xirfadlayaal ah ay isku dayayeen iney raadiyaan raqdiisa, laakiin caddeymihii ay heleen ay iskugu biyo shubteen inuu yaxaas liqay, iyadoo ay jirto inuu ku takhasusay aadna uu xariif ugu ahaa ugaarsiga libaaxa iyo maroodiyaasha khatarta badan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close