arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Cabitaannada Fudud Ma Waxey Ku Macaan Yihiin Marka Ay Ku Jiraan Dhalooyinka?… Ra’yiga Cilmiga ee Arrintan (Muuqaal)

Dad badan waxey jecel yihiin in cabitaannada fudud ay ku cabbaan dhalada, bedelkii ay ku baci lahaayeen caagado ama daasado macdan ah, waxeyna u arkaan in farqi weyn uu u dhaxeeyo dhadhanka oo marka dhalada lagu cabbayo ay aad u dhadhan wanaagsan yahay.

Dadka qaar ayaa aaminsan in mas’aladu tahay waxey dadku iska dhaadhiciyeen oo wax farqi ah oo u dhaxeeyaa aanuu jirin marka aad ku cabbayso dhalo ama ay caagad ku jiraan, laakiin waxey u muuqataa in sababta ka dambeysa dhadhanka wanaagsan ay ka xeel dheer tahay kana mug weyn tahay sida ay dad badani ka aaminsan yihiin.

Iyadoo marwalba aanuu si xoog ah isbedelayn dhadhanka cabitaanka weel kasta oo lagu soo shubo, ayaa hadana website-ka Mayo Recipes uu sheegayaa iney jiraan labo sababood oo cilmi ah oo fasiraysa sababta uu cabitaanku ugu fiican yahay dhalada in lagu cabbo, marka loo barbardhigo daasadaha macdanta ah ama caagadaha.

Website-ka uu ku takhasusay wararka cunnooyinka ayaa sheegay in sababta koowaad ay tahay in dhalooyinka aaney saameyn ku yeelan dhadhanka cabtinaannada fudud waxna aaney ka bedelin, arrintaas oo ka dhigan inaan marnaba isbedelayn dhadhanka dabiiciga ah ee cabitaanka marka uu ku jiro dhalooyinka sijillan.

Sidaas oo kale waxa uu caddeeyay in caagadaha iyo daasadaha aloominiyomka ka sameysan ay leeyihiin maaddooyin kiimiko oo saameyn ku yeesha dhadhanka cabitaanka xoogaa isbedel ahna wey ku imaaneysaa, laakiin waxa uu tilmaamey website-ka inaaney wax dhibaato ah oo dhanka caafimaadka ah aanuu keenayn.

Sababta labaadna waxey tahay cabitaannada fudud ee kaarboonka leh marka ay ku jiraan caagadaha iyo daasadaha macdanta ah ay si xawaare badan u lumiyaan dhadhankii kaarboonka ee kululaa si ka duwan marka ay dhalada ku jiraan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close