WararkaWaxbarashada

Dhacdooyinkii Adduunka ee Maanta Oo Kale “9 January”

Maanta oo taariikhda ku beegantahay 9 January Waa maalinta 9aad ee sanadka, waxaana dhamaadka sanadkaan cusub ee 2019 naga xiga 356 maalmood.

Maanta Oo Kale 9 January 1799 Ra’iisul wasaarihii Britain ee William Pitt ayaa soo saaray in la qaado canshuurta dakhliga si uu qarash ugu helo dagaalkii uu kala jiray Faransiiska iyo xulafadiisa.

Maanta Oo Kale 9 January 1861 Gobolka Mississippi ayaa noqday gobolkii 2aad ee ka baxa Mareykanka inta uusan qarxin dagaalkii sokeeye ee dalkaasi.

Maanta Oo Kale 9 January 1925 Wasiirkii Boostada dalka Jarmalka Dr. Anton Hofle ayaa is casilay kadib fadeexo musuq maasuq ah oo kusoo baxday.

Maanta Oo Kale 9 January 1927 Dab ka kacay Tiyaatar lagu maacaabo Laurier Palace movie theatre oo ku yaal magaalada Montreal ee dalka Canada ayaa sababay dhimashada 78 Caruur ah.

Maanta Oo Kale 9 January 1957 Ra’iisul waaarihii Britain ee Sir Anthony Eden ayaa is casilay kadib Markii uu ku fashilmay inuu dib ula wareego gacan kuheyntii kanaalka Suweys, waxaana jab xooggan gaarsiiyay dowladii Masar oo uu hogaaminayay oo uu xilligaasi madax ka ahaa Jamaal Cabdinaasir.

Maanta Oo Kale 9 January 1960 waxaa dib u dhis lagu bilaabay biyo xireenka weyn ee Aswaan ee ku yaala dalka Masar.

Maanta Oo Kale 9 January 1977 Ciyaaryahanka Tennis ka ee u dhashay dalka Mareykanka Roscoe Tanner ayaa Markii ugu horeysay ku guuleystay tartanka Ragga ee Australian open waxa uuna kaga adkaaday ciyaaryahanka reer Argentine ee Guillermo Vilas, isagoo ku garaacay sad gaaraya 6-3, 6-3, 6-3

Maanta Oo Kale 9 January 1981 Francisco Balsamao Ayaa loo doortay madaxweynaha dalka Portugal.

Maanta Oo Kale 9 January 1991 Wakiilo ka kala socday Mareykanka iyo Ciraaq ayaa ku kulmay Heshiishkii Nabadda ee Geneva kaas oo xal waara loogu raadinayay qabsashadii Ciraaq ee dalka Kuwait.

Maanta Oo Kale 9 January 2002 Fanaankii caanka ahaa ee Michael Jackson ayaa ku guuleystay abaalmarinta fanaanka qarniga ee American music awards.

Maanta Oo Kale 9 January 2005 Maxamuud Cabaas ayaa ku guuleystay doorsahada madaxweynaha dowladdii ku meel gaarka aheyd ee dalka Falastiin, isagoo bedelay hogaamiyihii la dilay Yaasir carafaat.

Maanta Oo Kale 9 January 2005 Dowladda Suudaan iyo Dhaqdhaqaaqii Xoreynta Suundaanta Koonfureed ayaa heshiis ku gaaray joojinta colaadda u dhaxeysa iyo dagaalkii sokeeye ee dalkaasi.

Maanta Oo Kale 9 January 2007 Madaxa sare ee Shirkadda Apple ee Steve Jobs ayaa soo bandhigay naqshada taleefankii ugu horeeyay ee iPhone-ka bandhiga ka dhacay magaalada San Francisco ee dlaka Mareykanka.

Maanta Oo Kale 9 January 2012  Xiddiga kubada cagta Barcelona iyo qaranka Arjantiin ee Lionel Messi ayaa Markii 3aad oo xiriir ah ku guuleystay jaa’izada xiddiga ugu fiiican dunida ee FIFA Ballon d’Or.

Maanta Oo Kale 9 January 2013 Madaxda Somaaliya ayaa Muqdisho kula kulmay xubno ka socday Midowga Afrika. Waxeyna ka wada hadeen muddada kordhinta ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.

Maanta Oo Kale 9 January 2014 xiddigii kubada cagta ee kooxda Mancity iyo xulka Ivory Coast ee  Yaya Toure ayaa ku guuleystay abaalmarinta xiriirka kubadda cagta ee CAF ee xiddiga sanadka qaaradda Afrika.

Maanta Oo Kale 9 January 2016  Xiririka kubadda cagta Afrika ee CAF, ayaa abaal-marinta hoggaamiyaha kubadda cagta ee Afrika sanadkii  2015 u aqoonsaday Cabdiqani Saciid Carab oo ahaa guddoomiyaha xiririka kubadda Cagta Soomaaliya ahna ku xigeenka madaxweynaha xirirka kubadda cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA.

Maanta Oo Kale 9 January 2017 Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhageystay khudbadaha murashaxiinta u baratamayay guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

Maanta Oo Kale 9 January 2018 Madaxweynaha Mareykanka ayaa kansalay ogolaanshaha ku dhawaad 200,000 oo kasoo jeeda dalka El Salvador oo joogay dalka Mareykanka.

Maanta Oo Kale 9 January 2018  Fadhi aan caadi ahayn oo isugu yimaadeen mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland ayey waxey Dowladda Soomaaliya ku Eedeeyeen in ay  Faragelin ku heyso maamulkaasi.

Goobjoog Edu

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close