WararkaWaxbarashada

Israel oo Dowladaha Carabta Ka Dooneysa Magdhow Lacageed oo Aad u Tiro Badan (Muuqaal)

Tel Aviv ayaa waxey kiraysatay shirkad caalami ah oo Accounting -ka ku takhasustay, si loogu xisaabiyo qiimo magdhowga ah oo ay ka dooneyaan dowladaha Carabta iney bixiyaan, magdhowgan ayaa salka ku haya hanti ay Yahuudda Carabta iyo Iiraaniyiin ay ka tageen, xilligii la aasaasay waxey ugu yeeraan dowladda Israel.

Israel waxey ku qiimeysatay magdhowga ay dooneyso 250-bilayn oo dolar, oo la doonayo iney dowlaadaha Carabtu bixiyaan.

Dowaladaha ugu badan ee ay beegsanayaa waxaa ka mid ah Ciraaq, Suuriya, Masar, Yemen, Tunesia, Liibiya, Morocco oo lagu daray Iiraan.

Dhanka kale, Falastiniiyinta ayaa Israel ka doonaysa magdhow qiimihiisu uu gaarayo 100-bilyan oo dolar oo ah hantidii laga dhacay xilligii dhulkooda laga barakiciyay ee 1948. hadaba su’aasha isweydiinta leh ayaa ah lacagta yaa hor bixin doona.

Goobjoog TV

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close