arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Maalqabeen Japan u Dhashay oo Dhacdadan Ku Galay Taariikhda Twitter-ka (Muuqaal)

Milyaneer Japanese ah oo la yiraahdo Yusaku Maezawa, ayaa waxa uu ka mid yahay ragga ugu taajirsan adduunka, hadda waxa uu ku guuleystay inuu yeeshay Retweet-kii ugu qeybgalka badnaa taariikhda twitterka.

Sida ay faafisay jariidada The Mirror ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, Milaneerkan reer Japan ee ah aasaasaha shirkadda Zozo ee ka ganacsiga dharka oo laga iibiyo internetka, ayaa 5 Janaury waxa uu qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka, illaa iyo hadda waxaa Retweet ku sameeyay oo sii faafiyay 5 milyan oo qof.

Maesawa, dadka twitter-ka isticmaala waxa uu soo bandhigayay kharaashaad dhiirrigelinta iyo abaalmarin sare, qoraalka uu soo qoray oo luqadda Japan ku qornaa ayaa macnihiisu yahay “Qiimo dhimista Zozotown Spring, waa kii ugu xawaaraha badnaa taariikhda, waxaana uu ka gudbay xadka 10 milayn oo Yen”, milyaneir-kan ayaa sheegay in boqol milyan oo yen uu bixin doonto maalintii, wadada kaliya ee lagu heli karaana ay tahay iney isaga twitter-kiisa la soo raaco isla markaana Retweet lagu sameeyo qoraallada uu faafiyo, markaa kadib ayuu sheegay qofka guuleystay inuu si toos ah ula xiriir doono si shaqsi ah.

Hadda adduunka waxaa ugu sarreya dhanka Retweet-ka barta maalqabaneenka @yousuck2020 oo heshay 5,075,525 Retweets.

Waxaa kaalinta labaad ku jira @Carterjwm oo haysta 3,550,436 Retweets. halka kaalinta saddexaad uu ku jiro @TheEllenShow oo haysta 3,311,549 Retweets. Kaalinta Afaraad @Louis_Tomlinson oo haysta 2,677,613 Retweets. halka kaalinta 6aad uu ku jiro @BarackObama oo haysta 1,664,234 Retweets.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close