arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Tuug Nasiib Daran oo Si Lama Filaan ah Ugu Dhacay Dabinka Gabar Musaaracada Ciyaarta (Muuqaal)

Tuug nasiib darran ayaa la kulmay xaalad adag kadib markii uu isku dayay inuu mobile ka xoogo gabar musaaracada ciyaarta oo gaari kiro ah sugaysay.

Tuuggan nasiibka daran, ayaa waxa uu u dhaqaaqay dhinaca gabardhan feer yahanka ah oo gaari kiro ah wadada ku sugaysay, wuu u hanjabay isagoo isticmaalaya baaskoolad warqad ka sameysan, waa sida ay qortay jariidada Globo.

Tuuggu gabadha waxa uu isku dayay inuu mobile-ka ka xoogo waxey ahayd Polyana Viana oo ah gabar dagaal yahan ah oo musaaracada ku caan ah, marka ay aragtay inaanuu ka tagayn ayay ku bilowday feer oo wejiga ay ka garaacday, waxeyna u xirtay garba duub illaa ay boolisku uga yimaaddaan.

Tuugga markii ay xaladdiisa boolisku ka yaabeen ayey isbitaalka hor geeyeen si loo daaweeyo, kadib ayaa xarunta booliska loo gudbiyay.

Dana White oo ah madaxa xiriirka musaaracada ayaa dhacdadan ka hadlay isagoo yiri, fikrad aad u xun ayay ahayd, isagoo markaa tilmaamayay in qof musaaraca iyo dagaalka ku takhasusay lagu xad gudbo, isagoo tilmaamay in natiijada ka dhalan karta ay sidan u fool xun tahay.

Goobjoog Edu

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close