WararkaWaxbarashada

Amazon oo Noqotay Shirkadda Ugu Qiimaha Sarreysa Adduunka (Muuqaal)

Shirkadda Amazon ayaa noqotay shirkadda ugu qiimaha badan adduunka markii ugu horreysay, iyadoo ka sare martay shirkadda Microsof Isniintii, kadib markii uu kor u kacay saamiga suuqa ee shirkadda heer gaarsiisan 3%, arrintaas oo kor u qaadday qiimaha suuqa ee shirkadda ka ganacsata electroniga oo qiimaheedu uu gaaray 797 bilyan oo dolar.

Halka Saamiga shirkadda Microsoft uu kor ku cay 1% markii uu suuqa xirmaayay Isniintii, markaas oo saamigoodu noqday 102.06-dolar, iyadoo qiimaha suuqa uu noqday shirkadda computer-ka ka ganacsata 784 bilyan oo dolar.

Sida uu sheegay website-ka Daily Mail, isbedelkan ayaa yimid kadib markii cabsi badan laga muujiyay dagaalka soo kordhaya ee dhanka gacansiga ah ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka in kor loo qaaday qiimaha faa’iidada cashuuraha, aarrintaas oo hakad gelin karta dhaqaalaha adduunka.

Shirkadaha teknoloojiyada intooda badan waxa uu dakhligu kasoo galaa wadamada ka baxsan Mareykanka, waana sababta ka dhigeysa in inta badan  saamiga shirkadaha teknoloojiyada aanuu saro kac fiican sameyn.

Tusaale ahaan, shirkadda Amazon waxey ka hoosaysaa 21% ka yar tahay heerkeedii ugu sarreysay ee ay gaartay bishii September, xilligaa qiimaha shirkadda waxa uu ka badnaa hal-tirilyan oo dolar, xilligaa waxaa ka sii qiimo sarreeyay shirkadda Apple oo ahayd shirkadda ugu qiimaha sarreysa adduunka, si dhekhsiyo ah ayaase qiimaha shirkadda uu hoos ugu dhacay 37% bilowgii Actober, markaa qiimaha suuqa ee  shirkaddu waxa uu hoos u dhacay 400 oo bilayn oo dolar, Apple hadda waxaa ka sarreeya microsoft iyo Amazon.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close