WararkaWaxbarashada

Kabaha Ra’iisul-wasaaraha Australia oo Fadeexad Ka Dhaliyay Baraha-bulshada (Muuqaal)

Ra’iisul-wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa faafiyay sawirka qoyskiisa xilli ay wada qaadanayeen farxad fasaxna uu ku jiray, sawirradii ayuu Bartiisa Twitter-ka soo dhigay, laakiin arrintu kheyr kuma aaney dhamaan sida uu  ugu yaraan filayay.

Sawirka ayaa laga lahaa dan siyaasadeed iyadoo qoyska Ra’iisul-wasaaraha loo muujinayo iney aad ugu faraxsan yihiin, xaaskiisa iyo labadiisa gabdhood iyadoo ay garab fadhiyaan.

Ra’iisul-wasaaraha waxaa xaaladda ku adkeeyay quruxda sawirkana lumisay kadib markii uu ku khasbanaaday inuu aado barnaamijka Photoshop oo lagu hagaajiyay sawirka, waa arrinta ay dad badani arkeen inaan sawirku ahayn mid asal ah oo aan munaasab ku ahayn Ra’iisul-wasaaraha.

Islamarkii uu sawirka faafiyay waxaa soo baxday fadeexad dhanka kabaha uu watay, waxaana dadku aad ugu faafay hashtag #Scott oo hadal hayn badan ka dhaliyay Twitter-ka.

Dadku waxey arkeen in uu sawirka ka bedelay qeyb uu is lahaa cidina kuma baraarugeyso, waana kabihiisa oo u muuqday kuwo cusub oo nadiif ah.

Qof ka mid ah dadkad la socda wararka Ra’iisul wasaaraha ayaa si degdeg ah u bilaabay raadinta kabaha ra’iisul wasaaraha, isla markiiba waxa uu faafiyay khaladka uu ra’iisul-wasaaruhu ku dhacay.

Khaladka halka uu ka jiray ayaa ahaa inuu doonay ka takhluusidda kabihiisa oo u ekaa  kuwo wasakheysan, waxaanuu u soo muuqday sidii inuu leeyahay labo lugood oo mid walbaaba ay bidix tahay.

Intaa ka dib dadkii dhacdadan ka falceliyay waxey u bateen iney ku jees jeesaan ra’iisul wasaaraha oo markii dambev beeniyay in sawirka uu isagu bedelay, waxa uu sheegay iney dad kale bedeleen iyadoo aan la ogeysiin, waa sida ay qortay jariidada The Guardian.

Morrison falcelinta dadka waxa uu uga soo jawaabay si kaftan ah, waxa uu soo bandhigay kabihiisii asalkaa ahaa ee uu watay, waxaanuu soo qoray, haddii aad dooneyso inaad photoshop isticmaasho, fadlan xoogga saara timaha lugayga inta aad cagtayda eegi lahayd.. waa kuwan kabahayga aan xushay ee aan meel kasta ku aado.

 

Goobjoog Edu

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close