WararkaWaxbarashada

Ra’iisul-wasaare Ugu Baaqay Dumarka Shaqaalaha ah Ee Dalkiisa Iney Guurka Ka Dhigtaan Hortabintooda Koowaad ee 2019 (Muuqaal)

Ra’iisul-wasaaraha Tongo ʻA kilisi Pōhiva , ayaa ka codsaday shaqaalaha dalkiisa ee aan qoyska ahayn iney guursadaan oo ay ka dhigtaan guurka hortabintooda koowaad sanadkan 2019 .

Jariidada Matangitonga ee maxalliga ah ayaa sheegay in Pohiva uu hadalkan ka jeediyay kulan uu la yeeshay shaqaalaha Talaadadii January 8, 2019.

Kulanka kadib ayaa ra’iisul-wasaaruhu la shaaheeyay shaqaalaha, waxa uu ka codsaday inaan la rumeysan waxyaabaha ay faafinayaan saxaafadda oo lagu sheegayo in ra’iisul-wasaaruhu doonayo inuu awoodda ka xanyuubiyo boqoradda dalkaa oo maalmihii la soo dhaafay  hadal hayntu u badneyd.

Jariidada ayaa ra’iisul-wasaaraha ka soo xigatay inuu iri: “Waxaan ogaaday iney jiraan dumar badan oo mutacilliin ah oo hadana xaasas aan lahayn, waxey jagooyin sare ka hayaan xafiiska ra’iisul-wasaaraha, guddiga adeega dadweynaha iyo wasaaradda arrimaha dibadda.”

Waxa uu ku yiri: “Dhamaan waxaan idinku boorinayaa inaad guursataan 2019 idinku ka dhigayan shaqada koowaad ee hortabinta idiin leh.”

Bayaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul-wasaaraha ayaa lagu sheegay in uu shaqaalaha dhammaan ka filayo iney kala shaqeeyaan fulinta howlaha dowaladda iyo horumarka 2019, waxaanuu sheegay inuu jiri doono tababar la siin doono shaqaalaha si yoolka la tiigsanayo loo gaaro.

Waxaa uu intaa sii raaciyay, in cilmi-baaryaashii ka soo noqday dibadda ee lacagaha badan lagu bixiyay qaarkood aaney diyaar u ahayn iney ka qeyb noqdaan howsha dib u habaynta ee dowaldda u dagsan.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in mushkiladdu ay tahay mid caqli ah, waxa i farxadgelinaysa ayuu yiri in mushkiladdan lagaga gudbayo hab tababar ah oo ay u taagan yihiin shaqaalaha adeegga dadweynaha.

Dalka Tongo, ayaa ah boqortooyo yar oo ay hoos yimaaddaan 170 jasiiradood oo ku yaalla koonfurta Badweynta Baasifiga, dadka daggan waxey gaarayaa 100 kun oo qof.

Goobjoog Edu

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close