WararkaWaxbarashada

Furriinka Ugu Qaalisan Adduunka.. Jeff Bezos oo Ay Xaaskiisa Kala Tageen (Muuqaal)

Aasaasaha iyo maamulaha shirkadda Amazon Jeff Bezos ayey kala tageen xaaskiisa MacKenzie Bezos, kadib markii ay is-qabeen oo ay wada joogeen muddo 25-sano ah.

Warka furriinkooda ayaa waxaa lagu daabacay barta ay twitterka ku leeyihiin Arbacadii   January 9, 2019, qoraalka tweetk ayaa sidan u qornaa: ” Kadib markii aan wada joognay muddo dheer, marar badan oo horeyna aan ku dhawaannay inaan kala tagno, hadda waxaan si rasmi ah u go’aan sannay inaan kala tagno, saaxibana aan ahaanno.”

Qoraal kale oo ay twitter-ka soo dhigeen ayey ku yiraahdeen: “Xitaa haddii  aan ogaan lahayn 25 sano ka hor inaan kala tagaynno, waan is guursan lahayn, nolol wanaagsan ayaan soo wadaagnnay, waxaan aragnaa in mustaqbal wanaagsan uu na horyaallo, waxaan nahay labo qof oo waalid ah, saaxiibo ah mashaariic badan ay ka dhaxeeyaan.”

MacKenzie, ayaa ah qoraa riwaayadeed oo aliftay, buugaag badan oo suugaan ah, sida, “Traps, The Testing of luther Albright.”

MacKenzie oo ay hadda kala tageen Bezos ayaa sandkii 2013 sheegtay iney markii ugu horreysay isku barteen kulan shaqo oo New York ay ku kulmeen sagaashamaadkii qarnigii hore.

Besoz hadda waa ninka ugu taajirsan adduunka waa sida lagu sheegay tirakoobyadii ugu dambeeyay ee Adduunka (Bloomberg Billionaire Index), hantidiisu waxey ka badan tahay 137 bilyan oo dolar, isagoo sidaa uga sare maray milkiilaha Microsof ee Bill Gates oo hantidiisa lagu qiyaaso 45 milyan oo dolar.

Wakaaladda Bloomberg ayaa sheegtay in MacKenzie Bezosay ay helayso kala bar hantidiisa oo noqoneysa qiime dhan 69 bilyan oo dolar, sidaa ayeyna ugu biiraysaa dumarka ugu hantida badan adduunka.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close