WararkaWaxbarashada

Khilaafka Lamaanaha… Sababaha Kala Tagga Keena Iyo Waddooyinka Ugu Habboon ee Looga Dhowrsado (Muuqaal)

Haweenka intooda badan waxey ka fogaadaan in guurkoodu ay mushkilado ku furmaan, laakiin intooda badani wey ku fashilmaan, iyadoo ay jirto iney dadaallo badan ku bixiyaan doonis dhab ahna ay jirto in mushiladahaa laga baxo, laakiin si dhakhsiyo ah waxey arkaan iney dhexda kaga jiraan mushkilado guur oo marka ay mid ka baxaan mid kale ay luqunta la galaan.

Haweenayda cilmiga Psychology-ga ku takhasustay ee ka shaqeysa la talinta arrimaha qoyska ee la yiraahdo al-Canuud Cabdirisaaq al-nuqeymish, ayaa ka waramaysa sababaha dhalisa mushikadaha qoyska iyo sida looga dhowrsan karo.

Sababaha Mushkiladaha qoyska kicisa

1- Inaan lala qabsan kala duwanaashiyaha shaqsiyadda

Nolosha guurka waa nolo ay wadaagayaan labo qof oo ku kala duwanaan kara dabeecadaha iyo shaqsiyadda, iyadoo ay jiraan kala duwanaashiyo, markaa waxaa dhici karta lamaanaha midkood inuu xaaladda la qabsan kari waayo.

2- Kala duwanaashiyaha dhanka ra’yiga

Waxaa hubaal ah in ra’yiga lagu kala duwanaan karo iyo wadad fikirka loosoo bandhigo, in la isfahmo oo habka hadalka loo dhigayo laga fiirsado, waxey kaalin weyn ka ciyaartaa xalka.

3- In dhibaatada la xakameyn kari waayo oo ay fahara ka baxdo

Mushkiladaha yaryar waa qeyb ka mid ah xiriirka qoyska, laakiin waxaa muhiim ah inaaney faraha ka bixin oo markiiba la damiyo, in wax weyn laga dhigo wax kasta oo yar, waa dhibaato. arrintani waxey u baahan tahay faham mug leh iyo khibrada si dhinac walbaa kan kale u fahmo.

Sababaha kala tagga dhaliya

1- Madax adayg

2- Amar ku taagleyn

3-In xukunka qofka lagula degdego oo waxaanuu ahayn laga sheego.

4- Gaboodfalka tooska ah iyo kan dadbadan.

5- In waxyaabaha muhiimka ah la wadaagi waayo.

6- Eedayn joogtada ah.

 

Waddooyinka ugu habboon ee mashaakilka qoyska lagu xakameeyo

 

  • iska indha tir xumaantiisa

in mararka qaar adigoo xumaantii iyo ceebihii u jeeda aad iska indha tirto waxey qeyb ka tahay xalka, maadama qof dhammeystiran aanuu jirin oo cid kasta ay ceeb yeelan karto.

-Xakamee naftaada

-Kalsooni buuxda sii lamaanahaaga: marka gabadha ama wiilku uu kalsooni ku qabo go’aanka lamaanihiisa ama habdhaqankiisa ay ku kalsoon tahay arrintaasi waxey xasillooni iyo nabad qab u tahay xiriirka qoyska.

-lamaanahaaga ku qaado ceebihiisa gaarka ah.

-Ka fogow dhaliisha xanafta leh ee joogtada ah.

-Mararka qaar tanaasulaad sameee: nolol dhammeystiran ma jirto, waa xiriir ku dhisan jacayl iyo kalgacayl is faham iyo isku tanaasul iyo si wanaagsan oo loo wada dhaqmo, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan an in la isku dulqaato oo la isku samro oo xiriirku uu noqdo mid la isku dabciyo la isku turo, la isna fahmo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close