Uncategorized

Qaanuun Cusub oo Ka Dhaqan Galay GudahaTurkiga oo Dadka Qaar Ku Khasbay Iney Dameerkooda Ku Adeegtaan (Muuqaal)

Dadka Turkiga qaarkood ayaa soo alifay qaababa hal-abuur leh oo ay kaga doodayaan falceliyaan dhibaatada ay ku hayso bixinta lacaha la dulsaaray bacaha suuqa looga adeegto, gaar ahaan marka wax laga iibsanayo tukaamada waawyn ee Super Market.

Muuqaal uu faafiyay wargeyska Yeni Şafak(Yani Shafaq), ayaa muujinaya nin ka mid ah dadka gobolka Nida ee koonfurta Turkiga oo suuqa u soo kaxeystay dameerkiisa, si uu ugu xammaasho adeegga kala duwan ee uu suuqa ka iibsanayo ee uu uga baahan yahay.

Ninkan ayaa waxa uu soo kaxaystay dameer si uu ugu qaato alaabta uu iibsanayo, intiii uu bixin lahaa lacagta lagu soo rogay bacaha lagu adeegto, isagoo markaa ka doodaya qaanuun dhawaan soo baxay dadkana ku khasbaya iney iibsadaan bacaha ay markii hore bilaashka ku heli jireen.

Dhacdadan ayaa dadku si weyn ula falgaleen, Baraha bulshadana ay si xoog ah uga hadal hayaan, halka qof kale uu soo kaxeystay gaari gacan si uu ugu adeegto, iyadoo dhacdooyinkan oo dhani ay dadka Turkiga layaab ka yihiin.

Qaanuunkan cusub ee Turkiga ka dhaqan galay ayaa dadka ku waajiibinaya iney rubuc liila bixiyeen  (1/4) bac kasta oo ay ku adeegtaan.

Qaanuunkan cusub ayaa dhaqangelkiisu bilowday bilowga bishan January 2019, qaanuunkan ayaa khudaarleyda u diidaya iney baco bilaash ah siiyaan dadka ka adeeganaya.

Marka ay ganacsatadu ammarkaa jabiyaan oo ay fulin waayaan, waxey bixinayaan lacag ganaax ah oo 10 liira ah oo u dhiganta (1.85-dolar waa lacag labo doolar ku dhaw), iyadoo mitir kasta oo laba jibaaran loogu dhufanayo kolba inta uu tukaanku le’eg yahay.

Qaanuunkan cusub ayaa looga golleeyahay inuu horseedo yareynta adeegsiga bacaha oo khatar badan ku haya bulshada iyo deegaanka.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close