TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Telefishin Cusub oo Aragga Uga Qarsoomaya Muddo10 ilbiriqsi Ah.. Teknolojiyad Cusub oo Dunida Ku Soo Korortay(Muuqaal).

Shirkadda “LG” ayaa daahrogtay nooc cusub oo telefishin ah oo muddo 10 ilbiriqsi ah indhahaaga uga qarsoomaya waa marka aad daawan weydo, iyadoo la adeegsanayo teknoloojiyad cilmi ah oo horumarsan.

Jariidada The Independent ee dalka Britan ka soo baxda ayaa sheegtay in shirakadda “LG”, ay daahrogtay telefeshinkii ugu horreeyay ee noociisa oo kale oo indhaha ka qarsoomaya, iyagoo tilmaamay in hab goonni ah iyo teknoloojiyad casri ah loo isticmaalay soo saaristiisa.

Shaashaddan weyn oo xajmigeedu yahay 65 Inch, ayaa marka la shidayo la taabanayaa badhan gaar ah, waxaa lagu soo rakibay qalabkii ugu casri sanaa ee videos-ka waa adeegga 4K, ku darso, waxaa ku jira sameecado aad ku dhageysan karto Amazon Alexa iyo Google assistant, labadaa qalabka codkooda ayay ku jihayn karaan, waana sameecado smarts ah.

Jariidada ayaa farta ku fiiqday in telefishinkan cusubi uu ka mid yahay  qorshe smarts ah oo suurtaggal ka dhigaya in qalabka qaar indhaha laga qariyo, kaas oo yaalla gudaha qolka maceeshadda, iyagoo tilmaamay in jiilka cusub ee telefishinka ah ay soo saarto shirkaddan ka dhisan Kuuriyada Koonfureed.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close