WararkaWaxbarashada

Wiil Dhalinyaro Ah oo Xaaladdiisa Caafimaad Ay Adag Tahay oo Qabta Shaqo Adag Si Uu u Caawiyo Qoyskiisa (Muuqaal)

Wiil dhalinyaro ah oo Shiinaha u dhashay oo jirkiisa qeyb ka mid ah naafo ka ah ayaa ay caado u tahay inuu shaqo adag qabto oo uu sawiro isla markaana uu dhigo Youtube-ka, wuxuu sidaa u sameeyaa si uu u kafaalo qaado nolosha qoyskiisa oo dan yar ah, tijaabo falgal weyn ka dhalisay Baraha-bulshada oo aad looga hadal hayo.

Tiji Jong oo 25 jir ah ayaa si maalinle ah dhagaxyo waaweyn ilkihiisa ugu qaada, isagoo baahin live-ka ah ku jira oo dadku ay ka daawanayaa janalkiisa YouTube uga furan oo ay kala socdaan 250-kun oo qof, si uu halkaa uga sameeyo bandhig dadka cajabgeliya taageerana uu kaga helo.

Tiji, ayaa waxa uu la dhibaatoonayaa cudur qeyb ka mid ah maskaxdiisa naafeeyay, lacagta uu tabarucaadda ku helo ayuu qoyskiisa ugu iibiyaa raashin, walaashiina uu kaga bixiyaa lacagta iskuulka.

Jariidada Daily Mail oo faafisay qisada wiilkan dhalinyarada ah ayaa sheegtay inuu Tiji bishii ay soo gasho 160 gini, waa lacag u dhiganta 200 oo dolarka Mareykanka ah oo ka soo gaarta dad tabarucaad u fidiya.

Isagoo shaqadiisa ka waramaya ayaa wiilkan dhalinyarada ah uu sheegay inuu doonayo in dadka kale uu tuso inuu awood u leeyahay ka faalo qaadka nolosha qoyskiisa, isagoo adeegsanaya xirfadaha uu leeyahay iyadoo ay jirto in xaalddiisa caafimaad ay adag tahay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close