WararkaWarbixinnoWaxbarashada

Baahida Ay Ardaydu u Qabaan in Maadada Computer-ka Lagu Daro Maddooyinka Waxbarasho ee Iskuullaadka Dalka (Warbixin)

Dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay ee dalku uu ka soo kabsanayay burburkii soo gaaray ee dagaalkii sokeeye, dhanka Tacliinta waxaa sanad waliba Dugsiyada wax barashada ka soo qalin jabinayay kumanaan arday ah kuwaas oo u gudba heerarka  jaamacadeed.

Geyiga Soomaalida waxaa qofka Jaahil ka ah loo aqoon jiray qofka aan waxna qorin waxna aan aqrin, laakiin qarniga 21-aad ee aan noolnahay  waxaa qofka jaahil ah loo yaqanaa qofka aan waxna ka aqoonin isticmaalka computer-ka iyo adeegsigiisa,

Maadada Computerka ayaan aheyn  gebi ahaanba in lagu barto iskuulaad waddanka marka laga reebo kuwo fara ku tiris ah oo ku yaala caasimadda Muqdisho oo  maadada computer-ka xiisad ahaan u bixiya.

Sababta ugu weyn ee dib u dhaca dhanka computerka ayaa lagu sheegaa in maadada computerka aan weli waajib looga dhigin iskuulaadka, waa marka aan ka hadleyno qorshaha dalka iyo sharciga waxbarashada dalka.

Ardayda wax ka barta Jaamacadaha dalka  oo lahadlay Goobjoog ayaa sheegay in maadada computer  in aysan ku soo qaadan intii ay ku guda jireen heerarkoodii wax barasho ee hoose,dhaxe iyo sare, waxa ayna tilmaameen in maadada ay  tahay mid loo baahan yahay maadaama qarnigaan aynu ku jirno ee 21aad wax waliba loo adeegsado computer oo xiriir la leh qeybaha kala duwan ee computerka.

‘Maadadaan computerka ardaygaa aan aqoon jaamacada way ku adkaataa inuu waxii loo soo diray uu baaaro laakiin marka aad maadadii taqaano waxaa kuu sahlan inaad wax badan baarto maadaama lagaa rabo oo  macallimiinta jaamacadaha wax badan ardayda u soo diraan waana wax aad u baahan tahay,

Dhibka ugu badana waxa keenay  ayaa ah inuu ardaygii uu heerkii dugsigii sare uu ka soo gudbay isagoo in badan ka garanaynin computer-ka dhaliisha ugu badan waxaa leh milkiilayaasha iskuullada gaarka loo leeyahay oo xil aan iska saarin in ardayga ka soo baxa uu yahay mid wax badan ka yaqaanna computer-ka.

‘Magacaygu waa  Cabdi shakuur Cabdullaahi Cilmi oo wax ka barta mid kamida Jaamacadaha magaada Muqdisho  run ahaantii maadadaan Computer ka ardayga aan aqoon jaamacada way ku adkaataa inuu waxii loo soo diray uu baaaro lakiin marka aad maadadii taqaano waxaa kuu sahlan inaad wax badan baarto oo ku saabsan maadada Jaamacada aad ka baranayso  maadaama lagaa rabo oo macalimiinta jaamacadaha wax badan ardayda u soo diraan waana wax aad u baahan tahay inaad wax badan ka ogaato’

Sidoo kale Cabdi Shakuur oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay sababta keenta in ardayda ay ku adkaato maadada Computer iyo isticmaalkeeda:

“Dhibka  ugu badana waxa keenay  ayaa ah inuu ardaygii uu heerkii dugsiga ee waxbarasho ee hoose, dhexe iyo weliba sare  uu ka soo gudbay asagoo in badan ka garanaynin ma’aan aqoonba u laheen Computer ka ama aragba.”

Cabdi shakuur  Cabdullaahi Cilmi , waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Dhaliisha  ugu badan waxaa leh milkiilayaasha iskuulada iyo daladaha ay hoos yimaadan oo xil is ka saarin in ardayda ka soo baxaya  iskuulada in muhiima u tahay wax badan ay ka fahmaan maadada Computerka.”

Cabdi Shakuur, waxa uu tilmaamay in arday walbaa uu ku khasban yahay inuu raadiyo iskuul uu computer-ka ka barto marka uu jaamacad bilaabo:

“Marka  ardaydu ay  joogaan heerkooda Jaamada dhib badan ay ka maran diyaarinta casharada madaama macalimiinta ay ka sugayaan  sababtana ay tahay in ardaydu aysan aqoon buuxda u laheyn adeegsiga Computer ka markii uu ka soo qalin jabiyay dugsigii sare sidaa ay tahay waxa aan doonayaa inan bogaadiyo Iskuulada  bilaabay manhajkoodana ku dara maadada Cmputer ka,waxa sidaas ku waramay Ciise Cali xasan ayaa asagana Goobjoog News la hadlay.”

Hirgalinta maadadaan ayaa ah mid baahi weyn ay u qabaan ardayda Soomaaliyeed ayadoona ka codsanaya bahda wax barashada in maadadada Computer ka ay ka hirgaliyaan iskuulaadka waddan si loo badbaadiyo jiilka soo socda ayna  soo baxaan arday ku hormarta dhanka Tignoolajiyada ,

Dhanka kale, Faysal Daahir Muuse ayaa asiguna  waxa uu ugu baaqay wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare in maadada Computer-ka lagu daro Imtixaanka wasaaradda ay qaaddo manhajka dalkana lagu soo kordhiyo  ahmiyad balaarana lasiiyo:

“Waxaan wasaaraddda waxbarashada ugu baaqeynaa inay culeys ku saaraan dalladaha waxbarashada iney maadada Computer ka  ahaato maado imtixaankeeda wasaaraddu qaaddo sida maadooyinka kale.”

Si kastaba, Barashada maadada Computer ka  ayaa dunidan casriga ah ka noqotay mid aasaasi ah, qofka shaqo doonka ah waa shuruud lagu xiro marka uu warbixintiisa gudbineyana laga rabo, sidaa darteed; ardayda dugsiga sare ka baxeysa waa waajib ah iney yaqaannaan computer-ka oo ay si fiican u isticmaali karaan.

W/D: Dalmar C/qaadir Jimcaale, Goobjoog

Related Articles

Close