WararkaWaxbarashada

Dhacdooyinkii Adduunka ee Maanta Oo Kale “13 January”

Maanta oo tirada taariikhda ku beegantahay 13 January Waa maalinta 13 aad ee sanadka, waxaana dhamaadka sanadkaan 2019 naga xiga 352 maalmood.

Maanta oo kale 13 January 1847 Waxaa magaalada California ee dalka Mareykanka  ka dhacay heshiishkii Cahuenga (Kahenga), kaas oo lagu joojinayay colaadii u dhaxeysay Mareykanka  iyo Mexico.

Maanta oo kale 13 January 1893 Xisbiga shaqaalaha ee dalka UK ee The Independent Labour Party ayaa magaalada London ku yeeshay kulankoodi ugu horeeyay.

Maanta oo kale 13 January 1915 Dhul gariir cabirkiisu yahay 6.7 oo ka dhacay magaalada  Avezzano ee dalka Talyaaniga ayaa waxaa ku nafwaayay dad ka badan 30,000 oo ruux.

Maanta oo kale 13 January 1939 Dab qabsaday keymo ku yaal dalka Australia ayaa baabi’iyay dhul gaaraya 20,000 (labaatan kun) oo Kiilomitir waxaana ku geeriyooday 71 ruux.

Maanta oo kale 13 January 1950 Wadanka Finland ayaa xiriir diblomaasi la sameystay dalka Shiinaha.

Maanta oo kale 13 January 1958 Ciidamadii xoreynta dalka Morocco ee Moroccan Army of Liberation ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamadii gumeystaha Spain, intii uu socday dagaalkii Edchera ama Ifni ee u dhaxeeyay labada dhinac.

Maanta oo kale 13 January 1963 Afgambi Military oo ka dhacay dalka Togo ayaa lagu dilay madaxweynihii dalkaasi ee Sylvanus Olympio.

Maanta oo kale 13 January 1964 Rabshado ka dhan ah Muslimiinta dalka HIndiya ayaa ka qarxay magaalada Kolkaata ee dalkaasi, waxaana ka dhashay dhimashada 100 qofood.

Maanta oo kale 13 January 1966 Robert C. Weaver ayaa noqday shakhsigii ugu horeeyay ee kasoo jeeda dadka madow ee dalka Mareykanka ee loo magacaabo wasiir, waxaana loo dhiibay xilka wasiirka Guriyeenta iyo horumarinta magaalooyinka.

Maanta oo kale 13 January 1972 Afgambi uusan dhiig ku daadan  oo ka dhacay dalka Ghana ayaa xilka looga tuuray madaxweynihii dalkaasi Edward Akufo-Addo  iyo ra’iisul wasaarihiisa Kofi Abrefa Busia.

Maanta oo kale 13 January 1985 Tareen rakaab ah oo karkaar jabsday wadada kuna dhacay meel dooxo ah dalka Itoobiya ayaa waxaa ku dhintay 428 ruux waana shilkii tareen ee ugu xumaa ee ka dhaca qaaradda Afrika.

Maanta oo kale 13 January 1990 Douglas Wilde aya noqday shakhsigii ugu horeeyay ee kasoo jeeda dadka madowga ah ee dalka Mareykanka ee loo magacaabo Gobanatoore gobol, waxaana loo magcaabay Gobolka Virginia ee dalkaasi.

Maanta oo kale 13 January 1991 Ciidamadii Soviet ayaa weerar ku qaaday caasimada dalka Lithuania ee Vilnius, Waxeyna halkaasi ku dileen 14 ruux kuna dhaawacay 1000 kale oo taageerayay madaxbanaanida dlkaasi.

Maanta oo kale 13 January 1993 Heshiishkii qaramada Midoobay ee lagu mamnuucayay bacriminta, horumarinta iyo isticmaalka hubka Kiimikada ayaa la saxiixay.

Maanta oo kale 13 January 2012 Shirkaddaha xawaaladaha Soomaalida ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa dib u bilaabay shaqadii kaddib muddo laba toddobaad ah oo hakad ku jireen.

Maanta oo kale 13 January 2015 Maxkamad ku taalla magaalada Garoowe ayaa xukunno culus ku ridday 14 qof oo la sheegay inay ka qaybgaleen shir ka dhacay Cadaado kaas oo maamul loogu samaynayay Gobolladsa Dhexe, waxeyna ku eedeeysay “qaran-dumisnimo. Saddex ka mid ah dadkaasi ayaa lagu xukumay ugu yaraan 25 sano ilaa xabsi daa’in, halka 11 kalena lagu xukumay min 10 sano ilaa 25 sano oo xarig ah. Dadkaan ayaana la xukumay iyaga oo maqan.

Maanta oo kale 13 January 2016  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tagay magaalada Kismaayo, si uu uga qeyb galo shirkii Madasha Wadatshiga Qaran ee xilligaasi halkaa lagu qabtay.

Maanta oo kale 13 January 2016 Ururka Midawga Yurub ayaa cambaareeyey Xukunno qisaas ah  oo laga fuliyey magaalooyinka Muqdisho, Dararweyne iyo Mandheera, ee dalka Soomaaliya waxa ayna  sheegeen inay xadgudub ku tahay Xuquuqal Insaanka iyo sharafta Aadahana, islamarkaana aanay ahayn shay loo isticmaali karo cadaaladda.

Maanta oo kale 13 January 2018 Madaxweynaha Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close