WacyigelinWararkaWaxbarashada

11 Tallaabood oo Kaaga Dhigaya Sanadka 2019 Kii Ugu Wacnaa Noloshaada

Waxaa dhici karta in sanadkii hore 2018 uu kuu ahaa mid aan wanaagsaneyn, marwalba oo aad xasuusato ama aad dib u milicsatana aad ka weydo wax wanaag ah oo aad ku xasuusato oo farxad gaar ah kuu leh, warka farxadda leh ayaase ah inaanuu mar kale dib kuugu soo laabaneyn.

Intaad ka murugoon lahayd wixii tagay, waxaa habboon inaad ku fakarto xaaladaada maanta iyo waxa aad qabsan karo sanadka cusub ee 2019.

Si aad firfircooni ku hesho waxyaabaha ugu yaryar ee kuu qabsooma ku farax, roob yar haddii uu ka da’o goob aad joogto ku farax nimcada Alle iyo neecawda macaan ee aad ka helayso, muhiimaddu waa si aad uga baxdo mugdiga sanadkii hore, wanaagga iyo yididiilada sanadka cusubna aad ugu diyaar garowdo.

Hadaba, waa kuwan 11 talaabood ee kaa garab siinaya inaad sanadkan cusub ku qaadato farxad, reyn reyn iyo yididiilo, maadama aan dooneyso in sanadadii ku dhaafay aad ku illowdo midkan cusub ee hadda bilowga ah.

1- Berri ha u dhigan howlahaaga ee maantaba wax ka qabso

Haddii aad qorshe cusub hayso, waxba ha sugin, hadda horey ka bilow, ma dooneysaa inaad shay cusub tijaabiso hadda ka bilow, berri ha la sugin howlaha ee hadda horey ka qabso, markay wax kuu hirgalaan waxaad ku farxi doontaa shaqada kuu qabsoontay.

2- Naftaada jeclow

Waxaa dhici karta in weedhani ay tahay markii ugu horreysay ee aad maqasho noloshaada, ogow waa weedh aad u qiimo badan, waxaa dhici karta in dadkii horey u maqlay xitaa fahmkeedu uu hereer maray, weedhan waxaa loola jeedaa inaadan caban marka dhaliil goonni ah uu jirkaagu leeyahay, ogow inaan nahay dad xaqiiqo ah ee aanan ahayn sawir sidii la rabo loo bedbedelo, sidaa darteed; waxaa habboon inaad naftaada ku aqbasho qaabka uu Alle SW u abuuray, waxaad ogaataa in qof kuu dhigmaa aanuu jirin, naftaadana jeclow.

3-Naftaada Ku Faan

Halkan looma jeedo kibir iyo faajo faajood, naftaada qiimaheeda dareen oo qadari, marka aad dallacsiin hesho ama dhar cusub aad soo iibsato dareen inaad qof cajiib ah tahay, isku day naftaada inaadan marnaba yareysan oo aadan isku arkin inaad dadka kale ka hoosayso, waxba kuma jabna inaad guulahaaga ku faraxdo marka aad dadaalkaaga ku gaarto.

4- Ka naso baraha bulshada

Cidina ma inkirsana in baraha bulshadu ay ka mid noqdeen nolol maalmeedka in badan oo inaga mid ah, inta badan kuma baraarugsanin waqtiga inagaga luma baraha bulshada, halkaa waxaan kagaga gaabinna oo aan waqti u weynnaa waxyaabo badan oo muhiim inoo ahaa.

5- Xoogga saar ceebaha aad leedahay

Noqo qof horumar wanaagsan sameeya, ceebahaaga xoogga saar sidii aad ku dabooli lahayd oo aad isku hagaajin lahayd, dadka kale ceebahooda ha raadin, isku day inaad fahamto qisada dadka kale oo dhageyso sida uu yahayna ku aqbal, xukunnada aad dad kale ku ridayso fikirkaaga un yaaney noqon, markaa qof wanaagsan noqon inta aad kari karto.

6-lacagtaada Ha ku ciyaarin

Haddii taleefoon cusub uu suuqa soo galo ama dhar faashiyoon ah ay yimaaddaan oo tukaan aad jeceshahay ama aad macmiil u tahay uu keeno, dhammaan waa arrimo soo jiidasho leh oo aan la iska xakeyn karin, isku day inaad marwalba lacagtaada ka taxadarto oo aadan ku ciyaarin, wixii daruuri ah ka iibso, maalgashigana baro, isku day lacagtaada inaadan si fudud ku bixin.

7- Gurigaaga rinjiga ka bedel

Xilliyada qaar waxaa dhacda sawir derbiga inoogu dhaggan inuu dib inoo xasuusiyo waxyaabo badan oo aad isku dayayso inaad illowdo, ha u ogolaan in waxyaabahaas ay khalkhal geliyaan xasilloonidada gudaha, waxaa habboon inaad bedesho diikoorka iyo rinjiga qolka aad deggan tahay iyo guriga guud ahaan.

8- Noqo qof firfircoon

labadaada lugood dib ugu istaag,  qabo howl kasta oo qabyo kuu ah, ama midda lagaa rabo ee waajibka ah, shayna dib ha u dhigan, haddii howluhu iskugu kaa biiraan, tashuush ayey kugu furayaan meel aad wax ka bilowdana wey kugu adkaaneysaa.

9- Khataraha u bareer

Naftaada xayndaab goonni ah ha ku xirin, isku day inaad dhadhamiso waxyaabaha mustaxiilka ah si aad u dhabeyso, isbedelna samee, haddii aadan wax cusub tijaabin waxba kuuma suurtagalayaan macnaha guusha si aad ku dhadhamisaa wey kugu adkaaneysaa.

10- Wax Jeclow adigana ha lagu jeclaado

horey u soco oo jacaylka faafi, dadka kaa yaryar u naxariiso, dadka kaa waaweynna ixtiraam, noolaha oo dhanna jeclow, qofka qalbiga waxba ha ugu hayn, qof kadsoon ha noqon, damacana naftaada kala dagaallan, qof bulshada fasahaadiyana ha noqon.

11- Noqo qof mahadcelin badan

Waxwalba oo aad haysato ka mahadceli, abaal walba oo laguu galo mahadcelin la’aan yaanuu ku dhaafin si kasta oo uu u yar yahay, naftaada marnaba ha qiimo dilin, waxaan nahay aadane nolosheennu wey kooban tahay, sidaa darteed; waa inaad ku faraxdo hadiyad walba oo aad hesho, qiimee ilbiriqsi kasta oo noloshaada ka mid ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close