arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Kallidiisa Ayuu Beeciyay Si Uu U Iibsado iPhone iyo iPad Uu Saaxibbaadii Ugu faano! (Muuqaal)

Warbixinno dhawaan soo baxaya oo ay faafiyeen warbaahinta Shiinaha, ayaa lagu xusay wiil dhalinyaro ah oo 25 jir ah oo suuqa madwo ku iibiyay kalli si uu saaxiibadii ugu faano mobil iPhone ah iyo iPad cusub oo uu soo iibsaday, hadda waxa uu u baahan yahay daryeel caafimaad oo joogto ah.

Sida ay qortay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, wiilkan dhalinyarada ah oo 25 jir ah oo loo yaqanno Wang in kallida looga qalay xarun caafimaad oo dhulka hoostiisa ku taalla, inta aanuu ku iibiin suuqa madow, oo laga siistay lacago 22,000 oo Yuan ah oo u dhiganta 2.528 pound waa ku dhawaad 3-kun oo dolar 2011, xilliga uu kallidiisa iibinayay waxa uu jiray 17 sano oo qura.

Kallidiisa waxa uu u iibiyay si uu saaxibbadii ugu faano qalabka iPhone iyo iPadka cusub ee uu soo iibsaday, si uu saaxiibadii ugu muujiyo inuu la jaanqaadayo teknoloojiyada cusub, gaar ahaan labadiisa waalid oo ahaa kuwo xaaladdu ku adag tahay oo dan yar ah oo xitaa ay ku adag tahay iney masruufkiisa bixiyaan.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa bilowgii hore waxa uu dillaalley ka barta dhanka baraha bulshada, waxey u sheegeen iney iyagu ku garab siin doonaan sida ugu fudud ee uu kallidiisa ku iibin karto.

Si uu heshiiska u dhammeystiro waxa uu u safray tuuladii uu ka soo jeeday 2011, xilligaa waxa uu ahaa arday dhigtay galaaska saddeexaad ee dugsiga sare, tuuladiisu waxey ku taallaa gobolka Anhawi ee bariga Shiinaha, waxa uu ka mid yahay deegaannada ugu faqriga badan. safarkiisa ayuu si sir ah ku diyaarsaday, labadiisa waalid mid ka warhaayay ma jirin.

Halkii loogu talogalay markii uu gaaray, ayay dillaaleydii u keeneen dhakhtar qalliin iyo kalkaaliso , howsha si sir ah ayay ku qabteen, waxey ka saareen kallidii u caafimaadka qabtay, waa sida uu sheegay website-ka CCTV.com oo sheekadan faafiyay waqti sii horreysay.

Kallida waxaa laga iibiyay ruux bukaan ah oo bixiyay 150 kun oo Yuan oo ah lacag u dhiganta 17,250 oo pound, Wang waxaa la siiyay 22-kun oo Yuan oo u dhiganta 10% lacagtii kallidiisa lagu iibiyay intii kale dillaaleyda ayaa kala qeybsatay.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa isla markiiba lacagtii uu soo qaatay ku iibsaday iPhone iiyo iPad inta aanuu guriga ku soo laaban oo ku yaalla gobolka Anhui, hooyadii markii ay aragtay qalabka cusub ee uu wiilkeedu wato halka uu ka keenay ayaa u u sheegay in labadiisa kalyood uu mid iibsaday, markii ay hadlkaa maqashay ayey isla markiiba booliska la xiriirtay.

Halka ay ku dambeysay qisada wiilkan yar

Waxa uu noqday qof aan waxba qabsan karin oo kaliyuhu ay fariisteen, maadama kallidii kaliya ee u caafimaadka qabtay laga saaray, sanadkii 2012, ayaa xeer ilaaliyaha guud ee magaalada Tashangtushu uu soo gacan geliyay 9 qof oo arrintan ku lug lahaa, waxaa ka mid ah saddexdii dillaal iyo labadii dhakhtar ee qaalliinka fulisay, saddexdii dillaal waxaa la xiray 3 illaa 5 sano, halka labo ka mid ah min saddex sanno la xiray.

Qoyska Wang waxaa la siiyay 1.47 milyan oo yuan lacag u dhiganta 169 kun oo pound, kadib 7 sano markii uu kalyihiisa iibiyay Wang noloshiisu aad ayay u adag tahay.

Wiilkii dhalinyarada ahaa ee wejiga qurxoonaa, hadda waxaa uu jiifaa furaash, qoyskiisa ayuu daryeel ka sugaa, kaliyihiisa waxey rabaan in si joogta ah loo dhaqo, waxa uu ku khasbanaaday inuu waxbarashadii ka haro, waxaanuu ku nool yahay caawinta bulshada.

Goobjoog Edu

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close