arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Muuqaal Laga Duubay Mas Ay Ka Adkaadeen Ciidan Shillin ah oo Isku Bahaystay Iney Nafta Dhaafiyaan

Muuqaal lagu duubay gudaha Australia ayaa muujinaya ciidan shillin ah oo ka adkaaday aboos isku dayaysa iney nafteeda meel biyo ah ku badbaadiso.

Abeesadan ayaa waxaa soo weeraray 500 oo xabbo oo cayayaanka shillinta ah oo qaarkood ay haragga ka hoos mareen oo jirka ay gudah u sii galeen.

Dhacdadan ayaa waxey ka dhacday Gudaha magaalada Berizbaan ee dalka Australia.

Ninka qabashada abeesooyina ku takhasusay ee la yiraahdo (Toney Haaris), ayaa helay maska oo miciin biday meel masqul  ah oo qof haween ah ay leedhaay oo uu naftiisa kula cararay qeybta lagu qubaysto oo biyo ay ku jireen, si uu iskaga fogeeyo cayayaankan boqolaaka ku soo weeraray oo naftiisa khatar ku ah.

Haaris waxa uu yiri, Maskani waxa uu naf ka raadiyay barkad qubays isagoo isku dayayay inuu naftiisa ka fogeeyo cayayaankan naftiisa weerarka ku ah, waxa uu tilmaamay in maska uu awooddiisa gabay oo wax iska caabin ah haba yaraateen aanuu sameynayn.

Haris waxa uu maskii u qaaday xarun caafimaad oo ku taalla gudaha magaalada Birisban, waxa uu sheegay in dhakhaatiirta veterinary-ga ee xoolaha ay saacado ka shaqeynayeen iney cayayaanka jirka maska ka furfuraan, qaarkood wey u suurtagali weyday iney ka fujiyaan oo waxey gudaha u galeen jirka oo haragga ay ka hoos mareen.

Laakiin, waxa uu xaqiijiyay, in maska xaaladdiisu ay soo hagaageyso oo weerarkii cayayaanka uu ka soo kabsanayo, waxaanuu faafiyay sawirrada maska marka cayayankii laga furfuray, waxaanuu sidoo kale soo bandhigay, cayayaankii laga fujiyay jirka maska oo aad u tiro badan.

Shillinta ayaa ah cayayaan dhiigga nuuga waxey weerartaa xayawaanka iyo aadanaha, waxaa dhici karta in halkeeda qaniinyo ay keento xumad iyo madax xanuun halka mararka qaar lagu miyir daboolmo.

 

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close