WararkaWaxbarashada

K/Afrika: Afar Libaax oo Waddo Gaadiid Jaam Ka Dhigay Cid Ku Dhacdana la Waayay (Muuqaal)

Dadku uma aaney baran iney waddooyinka ku arkaan libaax lugeynaya, laakiin arrinta ka dhacday Koonfur Afrika, libaaxyadii ayaa waddooyinka si caadi ah u lugeynaya, waxey sababeen in waddadu ay jaam noqoto oo ay isku xiranto.

Muuqaal laga soo duubay ayaa muujinaya afar libaax oo lugaynaya waddooyinka iyadoo dadka deegaanka ay aad ula yaabanaayeen dhacdadan oo ku cosbeyd, halka muuqaalka ay daawadeen illaa 2 milayn oo qof muddo labo isbuuc ah, ka dib markii lasoo dhigay baraha bulshada.

Warbaahinta ayaa sheegay, in muuqaalka laga soo duubay beerta Karago ee waddaniga ah ee Koonfur Afrika, waxaa ka soo muuqanaya 4 libaax oo laamiga lugayna, iyadoo gawaadhidu ay si tartiib ah u socdaan si ay uga fogaadaan iney libaaxyada isku soo dhaweeyaan, libaaxyadan ayaa la sheegayaa iney u socdeen ugaarsi.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close