arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ka Fogow.. 5-ta Caado ee Soo Dedejisa Calaamadaha Gabowga (Muuqaal)

Dad badani waxey ku riyoodaan iney dhalinyaronimadooda ilaashadaan waqti dheer, sidaa darteed; waxey ka digtoonaadaan waxwalba oo duqnimada u soo dedejin kara oo calaamadaheeda xilli hore ka soo muujinaya.

Warbixin lagu daabacay website-ka Everyday Health ayaa lagu sheegay iney jiraan caadooyinka qaar oo soo dedejiya caalamadaha gabowga, qofkuna uu u muuqano sidii mid ka da’weyn da’diisa dhabta ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay iney jiraan 5 caado oo ay waajib tahay in laga digtoonaado, waxey kala yihiin:

1- Welwelka tirada badan

Welwelka iyo walbahaarka joogtada ah waxey ah kugu ridayaan cimiri-degdeg, waxey kaa soo muujinaayaan calaamadaha duqnimada.

2- Kalinimo

In qofku uu dadka ka dhex baxo waxey caqligiisa ku riddaa dib u dhac, xiriirka bulshada waxey dib u cosbooneysiisaa shaqada maskaxda,sidaa dartee; qofka goonni goosadka ah ee kaligii goonnida u baxa oo dadka ku hareeraysan aan la falgelin oo ka fogaada inuu dadka la sheekaysto waxaa hubaal ah in uu dadka kale ka hor gaboobayo.

3- Raashinka aan ahayn mid caafimaad

Cilmi-baarisyada la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dux badan oo la cuno iyo raashinka aan saxda aheyn ee caafimaadka hareer marsan ama ay sonkortu ku badan tahay, waa arrinta ugu badan ee calaamadaha duqnimda qofka ka soo saarta, maxaa yeelay; waxaa kugu badanaya fursadaha iney qofka ku dhacaan cudurada wadanaha xididana ay ka xirmaan, miisaanku uu ku kordho, dhaqaaquna uu ku yaraado.

4-Dhafarka

Xilliga hurdada jirku waxa uu dibadda u saaraa unugyada dhinta, waxaanuu ku bedelaa kuwo kale oo cusub oo damaanad qaadaya ilaalinta caafimaadka iyo haragga sare ee jirka.

5- Si khaldan oo loo fariisto

Caadadan waxey kaa soo saaraysaa calaamadaha duqnimada, xanuun daran ayaa kaa soo waajahaya dhabarka iyo qoorta, arrintaas oo keeni karta in dhabarka uu qalloocsamo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close