arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Afduubayaasha Xaaska Billyaneir Reer Yurub ah oo Dalbanaya Madax Furasho Layaab Badan!(Muuqaal)

Dambi baarayaasha ayaa waxaa lama filaan ku noqotay in burcaddii afduubatay xaaska bilyaneerka reer Norway ee Tom Hagen ayaa dalbanaya in lacagta madax furashada ah ee ay doonayaan lagu bixiyo lacagta Cryptocurrency(Kiribto-kaaransi) oo ah lacag electronic ah oo internet-ka wax looga iibsado.

Afduubayaashu Hagen waxey ka codsadeen inuu bixiyo 10-milayn oo dolar si xaaskiisa loogu sii daayo, laakiin shardiga ay ku xireen ayaa ah in lacagta lagu sarrifo mid electronic ah oo loo yaqaanno Cryptocurrency ee Biitakwiinta loo yaqaanno, markaas oo ay adkaaneyso in raadkooda si fudud lagu helo.

Iyadoo hadda bilo laga joogo markii haweenaydaasi laga afduubtay duleedka caasimadda Norway ee Oslo, ayaa boolisku waxey ku khasbaaneed  iney dadka caadiga ah kaashadaan, si ay hal-xiraalaha afduubka u furaan haweenaydanna ay afduubka uga badbaadiyaan.

War ka soo baxay hoggaanka booliska Norway ayaa lagu sheegay: “Danta aan leenahay waa in haweenayda nolol lagu helo qoyskeedana dib loogu soo celiyo, waqtiguna waa mid muhiim inoo ah.”

Waxa xusid mudan in aaney ahayn markii ugu horreysay ee burcad afduub geysatay ay lacagta madax furashada ku dalbadaan Cryptocurrency, bishii December sanadkii 2017 maalgashade Ruush ah ayaa 1-milayn oo dolar oo madax furasho ah ku bixiyay lacagtan electronic-ga ah ee Cryptocurrency gudaha Ukrain.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close