arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ukun Jabisay Recordkii Taariikhiga ahaa ee Instagram-ka Ee u Yaallay Kylie Jenner(Muuqaal)

Sawirka Ukun ayaa waxaa u suurtagashay inuu jabiyo record-ka ay horey u dhigtay gabadha dharka xayaysiisa ee Kylie Jenner, iyadoo noqotay horyaalka adduunka ee tirada like-yada ugu badan ka heysta baraha bulshada.

Sawirka oo ay faafisay xisaabta magaceedu yahay World_record_egg ayaa waxaa ka helay oo like saaray 27 milyan oo qof, arrintaas oo keentay iney ka sare marto recordka loo diiwaangeliyay Jenner oo ay ka heshay 18 milyan oo qof, kadib markii ay barteeda soo dhigtay sawirka gabadheeda yar ee ay dhashay sanadkii hore.

Sawirka Ukunta waxaa la socday qoraal oranaya: ” record cusub aan dhigno, sawirka ugu badan ee ay dadku ka helaan barta Instagram, isla markaana aan jebinno recordka u diiwaan gashan Kylie Jenner.”

Waxaa xusid mudan in sawirka ukunta la soo dhigtay Janaayo Afarteedii, oo ay soo dhigtay xisaab dadka raacsan ee wararkeeda la socdaa ay kor usii dhaafyaaan 2.9 milayn oo qof.

Dhanka kale, sawirka ukuntan waxaa ka falcelisay Kylie Jenner oo barteeda soo dhigtay muuqaal ay ukun ku jabineyso, waa sida uu sheegay janalka CNBC.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close